Lamaaha Amaanka ee Gobolka Gabiley oo Ammaro Dul Dhigey Gaadiidka Bajaajta

0
523

Qore Khadar M. Xaashi

Gabiley (Dawan) Ciidamada ammaanka ee gobolka Gabiley ayaa ammaro adag dul dhigay, gaadiidka yar yar ee saddexda lugood leh, ee loo yaqaano (Bajaajta) ee ka dhex shaqeeya gudaha magaalada Gabiley.

Sidoo kale waxaa ay xuseen in ay mabnuuc tahay in ay gaadiidka ku xidhaan Iftiinka xad dhaafka ah ee aan idhaha dadka u rooneyn, iyo Hoonka qaylada dheer, iyo Sameecaddaha.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Gabiley gaashaanle sare Axmed Siciid Maxamed isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Gaadiidka Bajaajtu waxaa ay ka mid tahay gaadiidka yar-yar ee wadanka ka shaqeeya, waxa ay geysata khasaaraha Gaadhi geysto, waxaa ay geysata khasaaraha Shi ama sharci ee uu gallo Gaadhi caadiya sidaasi darteed waxaa qabanaya sharciga Gaadhi, mana xamili karno dhibaatada ay geysanayaan Gaadiidka Bajaajtu, gobolkaasi Gabiley 270-shil wax badh ku dhawna Bajaajba geysatay, Naf ayay waxyeeleen, Hanti ayay waxyeeleen, dhimasho iyo dhaawacba waa ay keeneen, mana qaadi karno sidaasi darteed in aan la tacaalno oo aan la dagaalano anaga oo kaashaneyna laanta nabadgeliyada wadooyinka, si loo yareeyo dhibaatada ay geysanayaan”

Dhanka kale taliye Axmed waxaa uu digniin adag u diray wadayaasha gaadiidka waxaanu yidhi “Waxaanu uga digeyna in aan Liisan la’aan waxba lagu wadin, waxaanu ka digeyna Bajaaj aan lanbar laheyni inay socoto oo wadooyinka marto waa xaaraan, in la dhimo xawaaraha ay wadayaasha gaadiidka Bajaajtu ku socdaan”

Taliyaha ciidanka nabadgeliyada gobolka Gabiley gaashaanle Cabdikariim Cabdillaahi Muxumed ayaa sigaara ula hadlay wadayaasha gaadiidka Bajaajta ee magaaladaasi waxaanu yidhi “Gaadiidka loo yaqaano Bajaajta ayaa dhibaato aad u faro badan ku haya bulshada, kuwaasi oo mar walba geysanaya dhaawac iyo khasaare fara badan maada gaadiidku yahay aaladaha aduunka ugu khatarta badan, waxa lagama maarmaana in wadayaasha gaadiidku raacaan sharciga Gaadiidka, iyo nabadgeliyada wadooyinka waad arkeysan gaadiidka loo yaqaano Bajaajtu waxyaabaha ay isticmaala’aan waxaa ka mida, agabka leysarka ee laydhka badan bixinayay ee dadka indhaha kaga dhacayay, Shirikaamadan aad arkeysaa waa kuwo ay Sameecado saaraan oo Masaajidadii, Culimadii, Magaaladii dhibaato badan ku haya dhanka kale waxaa ay gaadiidkooda ku xidhaan oo halkan yaala Hoonanka iska dhex ciya oo mabnuuca, anaga oo fulineyna amarkii taliyaha qaybta booliska gobolka Gabiley iyo kii taliyaha ciidanka booliska, ciidanka nabadgeliyada ee gobolka Gabiley hawlgalkoodu waa joogto, kaasi oo ay ku joogteynayaan nabadgeliyada illaalinayaana nabadgeliyada, wadooyinka”

Leave a Reply