Shirka Dawladda Hoose ee Mashruuca JPLG-ga Oo Boorama Ka Furmay

0
697

Boorama (Dawan): Waxaa shalay magaaladda Boorama lagu qabtay shirkii 15-aad oo ay yeeshaan masuuliyiinta degmooyinka dalka ee uu ka shaqeeyo mashruuca JPLG ee dawladaha hoose ee Somaliland.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA waxaa kulankaasi ka qayb galay maamulka gobolka Awdal, maayarrada degmooyinka Booarama, Gabiley, Berbera, Oodweyne iyo maayar ku xigeenka caasimadda Hargaysa.

Agaasimeyaasha wasaarradaha arrimaha gudaha, caafimaadka, waxbarashada, Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Hawlaha guud iyo Guriyeynta,  Horumarinta Biyaha, maayarkii hore ee caasimada Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo hay’adaha kala shaqeeya maamul daadejinta dawladaha Hoose.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay duqa degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, iyo guddoomiyaha gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali, ayaa masuuliyiinta kale ku soo dhaweeyey gobolka iyo degmada Boorama.

Waxaanu sheegay in kulankan ujeedadiisu tahay sidii loo eegilahaa wixii ka qabsoomay maamul daadejinta mashruuca JPLG, loona gorfeyn lahaa waxyaabaha u la doonayo in la qabto mustaqbalka.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir,  oo ka socday xafiiska maamul daadejinta ee madaxtooyada.

Waxaanay sheegeen muhiimada ay maamul daadejintu u leedahay adeegyada bulshada,  isagoo xusay inay arintaas ay ku hawlan yihiin.

Dhankoodana waxaa iyagna munaasibadaas ka hadlay maayarada Gabiley, Maxamed Amiin Cumar Cabdi, Oodweyne C/xakiin Nuur Muuse, ku xigeenka caasimada C/casiis Maxamed Xaashi (C/casiis Caga-weyne).

Kuwaasoo halkaas ka jeediyey warbixino la xidhiidha waxyaabihii u qabsoomay degmooyinkooda ee uu maalgaliyey mashruuca JPLG ee maamul daadejinta dawladaha Hoose.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay agaasimayaasha wasaarradaha horumarinta caafimaadka, waxbarashada iyo sayniska, arrimaha gudaha, Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Hawlaha guud iyo Guriyeynta,  Horumarinta Biyaha.

Waxaanay  dhamaantood sheegeen in dawladaha hoose ay yihiin lafdhabarta adeegyada Aasaasiga ah sida Caafimaadka, waxbarashada, iyo jidadka iyo adeegyada kale ee lagama maarmaanka u ah nolosha bulshadda.

Waxaanay balanqaadeen inay wixii karaankooda ah ay la garab taagan yihiin, iyagoo si guud iyo si gaar gaar ahba u sheegay inay gacan ka geysanayaan sidii ay wasaaraduhu qayb uga noqon lahaayeen maamul daadejinta adeegyada bulshada qorshayaashoodana ay ku darsan doonaan.

 

 

 

 

Leave a Reply