WEEDHA WARGEYSKA Dhiigbax Laga Simanyahay!

0
377

Ma filaysaa in gurriga aad degan tahay dhib ku hayo qaranka. Mase dareensan tahay dhiig-baxa dhaqaalaha gurigaaga tashi la’aantu ku hayso.?

Aan kuu furfuro si aanad ugu arag hal-xidhaalle. Bishan ugu danbeysay Roobku inagama qaadin, saNnad kastana hay’ada Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, gaar ahaan Fao/swalim oo warbixin amuurtan ka diyaarisay waxaa ay ku cabirtay roobka aynu helno sannadkii 400mm ilaa 500 mm oo ah halbeegga dhibica roobka lagu qiyaaso. sidaas darteed, Gurriga aad degan tahay Akhriste haddii aynu ka soo qaadno balac ahaan mid dhexe oo ah kan Somaliland maggaalooyinkeeddu u badan yihiin ee 40/30 Mitir ah. Waxaa uu sannad kasta Jiingadda saaran ku dhaca biyo ka baddan 44 Mitir Cubic ama 220 foosto. Weliba aad ayaan u koobay oo qiyaastii hay’adaha caalamiga ah hoos ayaan uga dhignay oo intii ugu yarayd ayaan ka soo qaaday. Marka ay sidaas tahay, ee tusaale ahaan Hargeysa oo caasimmadii ah ay ku yaallaan 100 kun (Boqol Kun oo gurri) ee aynu ognahay in aanay 90% guryaheennu lahayn Majaroor iyo Barkaddo/ Ama Taangiyo biyaha aynu ku kaydsanno. Sow qoys kasta oo inagga mid ahi ma qasaarrin sanad kasta ugu yaraan boqolaal dollar oo kaga baxay Lacag biyood. Sow sidoo kale, Qarannkii kama maqma dhaqaallahaasi oo dhiigbax maaha, Sidoo kale, sow maalin walba cabashadda ugu weyn ee jirtaa maaha Biyo la’aan oo Qaranka iyo Kharashka jeebkeennaba ma aynu caawineen haddii aynu kaydsanno biyahaas.

Sow sidoo kale, maalin walba dhaliisha ugu weyn ee aynu dawladdeenna hoose u jeedinaa maaha burburka Jidadka oo iyana maalin kasta sameyntooddu socoto oo Malaayiin dollar inagga baxdo. Sow sidoo kale dhibka ugu weyn ee jidadkaas burburiyaa maaha Biyaha roobabka oo ma nidhaa maxay Saaqiyaddo u sameyn waayeen, inta aynaan iyagga canaanan haddii aynu Malaayiinka Litir ee biyaha ah ee aynu ku soo fasaxayno Jidadka haddii aynu ka hakino Qarankana ma aynaan caawinin, nafteenana ma aynaan caawin. Haddii aan waddo uun, Qallinku koobi maayo maanta iyo Beri toonna inta khasaare ee aynu nafaheenna iyo Qarankaba ku hayno inagga oo aan is ogeyn. Ku tiigaali mayno, waxaan si fudud u tusaaleynaynaa haddii gurrigiiba waa aynu dhisnay isaga oo maqsino baddan’e, aynu Barkad-yar oo Afar mitir ah oo dhan walba ah aad sameyso oo qoddo, waxaa ay kuu qabanaysaa sanadkii ama ay kuu haynaysaa 320 Foosto oo Biyo ah waa dhaqaalle. Waxaa aad ku beeri kartaa khudradda aad u baahan tahay oo dhan. Tusaale ahaan, Geedka Liinta ahi waxaa uu u baahan yahaay saddex foosto iyo badh 3.5 biyo ah sanadkii oo dhan, waana kan ugu biyo cab badan dhirta khudaarta ah, markaa Imisa geed ayay kuu beeraysaa Berkaddaas yari haddii aad u adeegsato dhinacaas, immisa burbur ayaadse ka hortagtay.

Qallinku farrintan ugama jeeddo yaan dawladaha hoose la dhaliilin, ama wakaallada Biyaha iyo Xukuumad guud ahaan la naqdiyin marka la dareemo hawlihii shacbigu u igmadday oo ay ka gaabiyeen. Haaheey Hargeysi maaha Cabdiraxmaan Soltelco siddaas oo kale Cabdiraxmaan maaha Hargeysa, laakiin, waxaa jira waajibaad iyo Masuuliyad isa saarran oo marka aad taadda ka soo baxdo ayaad tu kale farta ku fiiqi kartaa. Intaasi waa shacabka, laamaha qarankana waxaa aynu leenahay waxaa laga yaabaa in aan Wasaaradda Biyaha iyo Wakaalladaha Biyaha lafteeddu ka faa’iidaysan biyahan durduraya oo ay dadka uun ku canaantaan maxay biyaha u qabsan waayeen sidaas darteed, waxaa aynu leenahay hay’adaha Qaranka oo tallo Qalinku ugu jeedinayaa waa in sanadkan guddihiisa la bilaabo oo meelaha danta guud ah oo dhan dawladdu ka sameyso Barkaddo waaweyn oo hoose, gaar ahaan Cusbitaalada, Iskuullada, Wasaaraddaha, Xanaanooyinka, Masaajidada IWM. Dawladda hoosena waxaa aynu u jeedinaynaa iyo hawlaha guud ku darra dhismayaasha iyo muwaadiniintaba soo jeedintan oo wacyigelin ka dib noqon karta mid la sharciyeeyo.

 

Leave a Reply