Xukuumadda Somaliland oo Daah Furtay Tartanka Mashaariic Horumarineed oo Dalka laga Fulinayo

0
398

“77 shirkadood  in ay maalin qudha soo tartamaan waxay muujinaysaa kalsoonida lagu qabo caddaalada qandaraasyada qaranku bixinayo”

 

 

“Waxaan u mahad Celinayaa madaxweynaha Qaranka oo hirgeliyay in loo tartamo dhaqaalaha iyo khayraadka dalka” Guddoomiyaha Qandaraasyada

 

 

 

Hargaysa (Dawan): Guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland ayaa shalay xaruntoodda magaaladda Hargaysa ku daah-furay tartan loo gelayo lix mashruuc oo laga fulin doono qaar ka mida goboladda dalka.

Waxaana munaasibadii lagu shaacinayay mashaariicdaasi joogay wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed, guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen iyo xubnaha guddiga qandaraasyadda.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi joogay masuuliyiin ka socday shirkadaha u tartamaya fulinta mashaariicdaasi shalay la shaacinayay.

Waxaana lixdaas mashruuc u tartankiisa ka qayb qaadanaya todoba iyo todobaatan shirkadood (77), iyadoo lixda shirkadood ee guulaystaa ay fulin doonaan mashaariicdaasi.

Mashaariicdaas loo tartamayo waxaa ka mida dhisme weyn oo loo dhisayo wasaaradda beeraha Somaliland iyo mashaariic kale oo isugu jira dhismeyaal iyo waxyaabo kale.

Guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen, oo shaacinta tartanka mashaariicdaasi hadal ka jeediyay ayaa u ballan qaaday shirkadaha u tartamaya in ay heli doodaan tartan daah-furan oo madax banaan. Waxaanu yidhi “Waxaanu idiin ballan qaadaynaa tartan furan, oo cadaalad ah. waxaa xusid mudan 77 (todoba iyo todobaatan) shirkadood oo maalin qudha tartan loo qabtay wax fudud ma aha”.

Nuux Maxamed Xuseen, ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland oo hirgeliyay nidaamka ah in wax kastoo ka mida khayraadka iyo dhaqaalaha dalka loo tartamo.

“Waxaan halkan uga mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo hirgeliyay in loo tartamo, dhaqaalaha dalka, ama khayraadka dalka” ayuu yidhi guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka.

Geesta kale agaasimaha guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland ayaa isna ka warbixiyay marxaladihii uu soo maray mashaariicdan tartanka loo gelayo.Waxaanu yidhi “Muddo sagaal cisho ah ayay hawshaasi soo socotay, oo guddiga qandaraasyadda qaranka laga qaadanayay waraaqaha macluumaadka ee loo marayo tartanka iyo shuruudaha la raacayo.

23-kii bishii hore ayay shaqadaasi bilaabantay. Bishan 10-aad kowdeediina wuu xidhmayay qaadashadda waraaqaha macluumaadku. Maanta (shalay) ayaana hortiina guddoomiyuhu ku furay”.

Dhinaca kale waxaa iyagna halkaa ka hadlay qaar ka mid ahaa masuuliyiinta ka socday shirkadaha tartanka u gelaya lixdaasi mashruuc.

Waxaanay dhamaantoodba sheegeen in ay ku qanacsan yihiin sida daah-furnaanta ah ee ay guddiga qandaraasyadda qaranku u soo bandhigayaan qandaraasyadaasi.

 

 

Leave a Reply