Akhri Buuga” The Spirit” Si aad Shaqo U Hesho!

0
521

Madaxweynihii hore ee dalka Turkmenistan Mr.Niyazov wuxuu ku dhashay 19 Feebarwari 1940 magaalada Ashgabat ee dalkaadi Waxaana uu ka soo jeeday qabiilka saamaynta ku leh dalkaasi ee Tekke.

 

Sida ku cad xusuus qorkiisa rasmiga ah iyo taariikh nololeedkiisa, aabihiis Atamyrat Niyazov wuxuu ku dhintey dagaalkii labaad ee aduunka ee Nazigii Germany Hitler. Iyadoo ilo kalena ay ku muujinayaan inuu ka baxsaday dagaalka sidaa darteedna ay dil ku xukuntay maxkamad militari.

Xubnaha kale ee qoyskiisa waxay iyana ku dhinteen dhulgariirkii ka dhacay Ashgabat 1948 kaas oo sababay waxyeelo aad u weyn iyo khasaare fara badan oo magaalada ku dhacay, sidaa darted wuxuu ku koray xaruntii  agoomaha ee Ruushku sameeyay, halkaasi oo ku noola ilaa xarun weyn oo aad u fogayd oo xanaanada caruurta agoomaha la geeyay.

Markii uu dhameeyay dugsiga sare waxa uu galay machadkii farsamada korntada oo uu ka qaatay Diploma. Sanadkii 1991 bishii October 27 ayuu noqday madaxweynaha dalkaasi oo ah dalka labaad ee soo saara shidaalka ugu badan, dalalkii ka tirsanaa midowgii Sofiyeetka..

 

waxaana lagu xusuustaa arimo badan oo  uu samayn jiray oo shacabkiisa yaab ku riday.

Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in magaciisa lagu xardho dhamaan dariiqyada waaweyn ee dalkaasi.

Waxa kale oo madaxweyne Niyazov sameeyay in bisha koowaad ee sanadka oo ah bisha January uu ka bedelo magaca isagoo bishaasi magaciisa u bixiyay. Dalka meel kasta waxa uu amray in la dhiso taalooyin sawirkiisa oo dahab ahi ku yaallo.

Madaxweynahan ayaa qoray buug uu bixiyay “The Spirit of Naama” waxaana uu ku qoray dhamaan dhaqanada iyo saqaafadda dalkiisa.

Qof kasta oo shaqo la siinayo waxa uu sharci ka dhigay in imtixaanka lagaga qaado inuu buugaasi macluumaadkiisa ku qoran wax laga weydiiyo, hadduu ku guulaystana shaqada la siiyo, haddii kale aan la siin si kasta oo uu aqoon iyo xirfad ugu leeyahay shaqada uu doonayo.” Waxaana halku dheg noqday wedha “ Akhri buugga madaxweynaha si aad shaqo u hesho”

Bishii December 21, sanadkii 2006 ayuu TV dalkaasi sheegay warka dhimashada Madaxweyne Mr.Niyazov , iyadoo la cadeeyay in sababta geeridiisa ay ka danbaysay ka dib markii wadnuhu istaagay, isagoo da’diisu tahay 66 sano.

 

Xikmadaha

Leave a Reply