Xikmadaha

0
1284
  • Noqo kan bilaaba wanaaga, dadkana u tudha, damiyana cadaawada
  • Haka xumaan hadalka xun iyo wixii lagaa sheego adiga waxba kuma yeelayaan, kan yidhi ayuu dhib ku hayaa.
  • Iskajir denbiyada iyo macaasida , iyaga ayaa keena Hammiga Iyo Murugada, iyaga ayaana fura albaabada belaayada.
  • Dadka U furfur wajigaaga waxaad helaysaa niyadooda, hadalkana u debci si ay kuu jeclaadaan, una naxariiso si ay kuu qadariyaan
  • Bixinta Sadaqada ku dadaal haba yaraatee. Sadaqadu waxay bakhtiisaa xumaanta, qalbigana way farxad galisaa, hammigana way kaxaysaa, risiqana way badisaa.
  • Albaabada ugu wayn ee nolosha wanaagsan waxa ka mid ah ducada waalidka ee badso samafalkoodana ilaali, si sharka iyo belaayada aad uga nabad gasho

Leave a Reply