Boqorka Ayaan Shaqaale U Ahay!

0
469

Amiirkii Bashiir Ashihaabi oo dalka Labnaan xukumi jiray horaantii qarnigii 19aad  (1840)  kana soo jeedaya Muslminka suniga ah ayaa maalin adeegihiisa ku yidhi :” waxaan doonaaya inaad Beed khudrad lagu shiilay ii samayso”.

Adeegihiisa ayaa ku yidhi :“ Allah hakuu barakeeyo Amiir, kaasi waa sayidka cuntooyinka, waa hilib aan baruur lahayn, waa Kaluun aanad arkayn, waxaad ku cuni malqaacad, waana cunto dhamaystiran ”.

Amiirka ayaa haddana ku yidhi : ”Laakiin dhowr maalmood ka hor waanigii cunay, markaa caloosha ayaan xanuun ka dareemay “.

Adeegaha ayaa ku jawaabay :” Nacadal haku dhacdo Beedka khudarada lagu shiilay, waa raashin culus, oo adag, waa kan cunto ugu liita”.

Amiirka oo yaaban ayaa ku yidhi :” Waa ku sidee!, Raashinkii aad imika amaanaysay ayaad haddana islamarkiiba ceeb ka sheegaysaa”!.

Khaadimkiisa ayaa ku yidhi :”  Amiirkaygow, anigu adigaan kuu ahay khaadim, uma ahi Beedka, haddii amiirku shay amaano aniguna waan amaanaya, haddii uu dhaliilo aniguna waan dhaliilaya, wixii aad sax u aragto ayaan u arkaa wixii khalad u aragto aniguna khalad ayaan u arkaa”. Xikmaduna waa inaad madaxda adeecdo.

 

Leave a Reply