Wuu Ku Daalay Raadinta Ruuxda Iyo Nafta!

0
920

Bish Feberweri, sanadkii 1921, goor galab ah ayuu Injineerkii aqoonta dabka ku xeeldheera ee Thomas Lein ee Maraykanka ahaa ayuu u fadhiistay  si uu cashadiisa u cuno sidii caadada u ahayd keligii.  Markii uu cashadii ka kacay ayuu xabad sigaar ah shitay, si degan koob cafee ah u qatay.  Isaga oo aan dhamayn ayuu istaagay oo dabkii makhsinka shiday, waxaana uu jejebiyay tuunbooyinka dibedda uga saarayay qiiqa, ka dibna wuxuu si adag u wada xidhay daaqadihii iyo albaabadii, waxaana uu ku soo noqday  sariirtiisa qolka fadhiga u taalalay.

 

Halkaasi ayuu ku lulooday waxaana uu seexday hurdo aanu mar danbe ka soo toosinba.  Maydkiisa ayaa guriga laga soo saaray maalintii ku xigtay oo ku yaallay magaalada Detroit ee Maraykanka . Booliiska ayaa qolkiis ka helay warqad cadaynaysa sababta dhimashadiisa.

Waxaana uu ku qoray inuu sidan u yeelay si uu u xaqiijiyo inay jirto nolol iyo duni kale, iyo weliba nooca ay tahay ?.

Baadhayaasha ayay jawaabta su’aashani ku adkaatay ilaa ay ogaadeen in Thomas uu afar todobaad ka hor dhimashadiisa uu wargeys ku qoray inuu baadhis ku samaynayo ruuxda iyo  nafta ku jirta qofka.   Waxaana ay halkaasi ka heleen jawaabta su’aashii warqada uu qoray inuu yahay nin raadinayay ruuxda laakiin waddo khalad ah maray oo aanu ku xaqiijin Karin marnaba. Baadhis kasta oo aad waddo khalad ah u martaa, waa halis joogto ah.

 

 

 

Leave a Reply