Qoraaga Iyo Saadaasha Mustaqbalka!

0
501

Gabayaaga iyo aqoonyahanada qorayaasha ah ayaa ku cabira mustaqbalka ayaa arrimaha soo waajahan qoraalo iyo gabayo. Waxay  ka saadaaliyaan xaaladda markaa taagan, midda ku xigta ee soo socota iyo sida ay wax isu bedelaan. Waana saadaal ku dhisan caqliga fikirkiisa oo miisamayaa joogtada iyo isbedelka timaadada mustaqbalka.

Qoraagii Faransiiska ahaa ee lagu magacaabi jiray Jules Verne ayaa sanadkii 1863 ee qarnigii 19aad, qoray riwaayad magaceeda ahaa Paris iyo qarniga labaatanaad,

Qoraalka riwaayadaasi uu waagaa qoray waxa uu ku sheegay inay Paris yeelan doonto fooqyo dhaadheer oo daruuraha ku dhowaada  oo ka samaysan muraayado, waxa kale oo uu sheegay inay yeelan doonto Tareeno dheereeya iyo gaadiid ku  sheqeeya Gaas.

Waxa kale oo ku jira buugaasi in laga heli doono Paris xiligaasi isgaadhsiin caalamaku ku wada xidhiidho.  Dhamaantood saadaashu sidii uu u qoray ayay dhacday, magaalada Paris waxay isu bedeshay qaabka uu qoraagu saadaaliyay qarnigii 20aad.  Inta badan  abwaanada, aqoonta iyo akhriska badan ayaa keena saadaasha dhabowda iyo inuu qofku si xeel dheer ugu muuqdaan arimo badan oo markaasi ka qarsoon dadka la nool ama haddii loo sheego ku noqonaya la yaab iyo waxaan la rumaysan Karin.

 

 

Leave a Reply