Jiir Cabsi Geliyay Guriga Cad!

0
669

Peter ALexnadar ,  oo ah wariyaha uga soo warama warbaahinta NBCNEWS guriga cad ee laga maamulo dalka Maraykanka ayuu Computerka laabtobka ee uu isticmaalayay Jiir dusha sare kaga soo dhacay isagoo ku guda jira dhismaha hoolka guriga cad ee warbaahintu isticmaasho maalintii Salaasada ahayd ee bishan Oktober bilowga ahayd.

 

Jiirka ayaa ka soo dhacay saqafka sare. Wariyaha oo arintaasi ka waramaya iyo weliba bilowga hore cabsida ku dhacday ayaa yidhi  “Jiir nool ayaa ka soo dhacay saqafka hoolka aan joogno ee guriga Cad, isagoo weliba ku soo dul dhacay computerkeygii gaarka ah, bilwogii waan wada cabsoonay.” Laakiin markii danbe waan garanay waxaana jiirka eryaday oo isku deyay inay qabtaan wariyayashii hoolka joogay, laakiin umay suurtagalin oo wuu ka baxsaday.

Dhacdadan ayaase dood weyn ka dhalisay Baraha bulshada ee dalkaasi, maadaama ay ahayd mid dhif  ah oo aan hore oo looga maqal aqalka cad.

Laakiin sida la sheegay Jiirka, baranbarada iyo xamaaratada kale ayaan ahayn wax ku cusub deegaanka 1600 Pennsylvania Avenue, ee ku yaallo guriga cad ee dalkaasi,  arintaasi oo ah weli dhibaato haysata maamulaayasha deegaanka 1600 Pennsylvania Avenue.  Weriyaha Peter oo twitterkiisa soo dhigay arrintan ayay mar keliya buux dhaafiyeen weedhaha mucaaridka ee dalkaasi.  (independent.co.uk)

 

Leave a Reply