Guud ahaan Ciidamada Dalku waa Midnimada Shacabka Somaliland

0
542

 Qore BMowliid Aadan Cumar

Guud ahaan Ciidamada Dalku waa Midnimada shacabka Somaliland iyo Difaaca Qaranka e waxan usoo jeedinayaa qaybaha Bulshadu inay ka joojiyaan hadalada Ku nisbaynta qabiilooyinka iyo xajiimaynta leh ee saxaafada iyo baraha Bulshada ama Facebook lagu baahiyo.

Sidaasi awgeed waxan leeyahay Muwaadiniinta Somaliland Ciidamadeenu waa Astaanta kowaad ee

Udhisan Midnimada Shacabka waa difaaca madaxbanaanida Qaranka Somaliland waa ilaalinta

Nabadgalyada shacabka waa gurmadka dhibaato kasta oo Ku timaada shacabka Dalka waa ilaalinta nabadgalyada iyo hantida shacabka Somaliland

Hadaba waxan leeyahay waxay inaga mudan yihiin

Guud ahaan Ciidamada Dalku qadarin iyo qiimayn

In aynu Ku ilaalino midnimadooda shaqo ee ay inoo

Hayaan kana joojino waxkasta oo dhaacaya dhismaha ciidamadeena hadii Allah yidhaa

Wabilaahi Towfiiq

BY.MOWLIID AADAN CUMAR

HARGAYSA

 

Leave a Reply