Tijaabada Dulqaadka Iyo Guurka!

0
637

Guurku waa dhaqan ay aadamuhu kaga duwan yihiin noolaha kale waana dariiqa tarankooda.  Laakiin hadana qaabka la isu guursado ee bulshooyinka dunida ayaa aad u kala duwan. Iyadoo qaarkood ay leeyihiin dhaqano iyo caadooyin la yaab leh:

Dalka Shiinaha Bulshada Tibit marka uu soo xusho gabadha ay is guursanayaan wiilku , koox ka mid ah xigaalka iyo qaraabada gabadha ayaa soo kexeeya gabadha waxaana ay fuushiyaan geed aad u dheer , markaasi ayay isagana u yeedhaan iyagoo hoost taagan geedka oo ulo dhaadheer ku hubaysan.

Qaraabada gabadha ayaa ninka ku yidhaa “ haddii aad doonayso inantayadaa ugu kor geedka dushiisa” iyagoo sita ulahooda, marka uu isku dayo inuu geedka koro ulaha uu sito ayay meel kasta kala dhacaan oo aad u xanuun kulul.

Kooxda qaraabada gabadha ah ee dhengedda sidata dhamaantood waa dumar laakiin waa goobta taagan koox rag ah oo garsoor ah, lama ogola inuu dhengadaasi iska difaaco iyo inuu xanuunka awgeed la dagaalamo dumarka usha la dhacaya midna.

Haddii uu adkaysto oo fuulo geedka waa inuu gacanta soo qabsadaa iyaduna soo raacdaa,oo uu geedka kala soo degaa. Waxaana yaab leh in aanay ka deynayn dhengadda  ilaa uu kala baxasado oo kala fogaado. Waxaana caado u ah haddii uu ninku u adkaysan waayo ushaasi in aana guursanayn gabadh bulshadan ka soo jeeda. Waxaana la tijaabinaya sida ay aaminsan yihiin dulqaadka iyo hawlkarinimada ninkan.

Leave a Reply