Wasaaradda Caafimaadka oo Qabanaysa Shirweynaha Caafimaadka Heer Qaran

0
549

Shirkan waxaa diiradda lagu saari doonaa wax ka qabashada xannuunada dhimirka iyo cudurada faafa iyo horumarinta adeegyada caafimaad

 

 

 

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa(Dawan):- Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland , ayaa qabanaysa shirweynaha caafimaadka heer qaran,shirkaas oo lagaga wada hadli doono heerka adeegga caafimaadka ee qaranka Somaliland halka uu marayo iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado.

Shirkan oo ay qaban qaabadiisa iyo hagistiisaba ay leedahay wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayay ka qayb geli doonaan daneeyeyaasha caafimaadka Somaliland,wasaaradda caafimaadka cisbitaalada qaranka iyo cisbitaalada gaarka loo leeyahay.

Wasiirka Wasaarada Horuminta Caafimaadka Somaliland Pfof: Cumar Cali Cabdilaahi ayaa sheegay in la qaban doono Shirwaynaha Bandhiga Caafimaadka Somaliland.

Cumar Cali Cabdilaahi oo shalay Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in Shirwaynahan Caafimaadka ay ka soo qayb gali doonaan Daneeyeyaasha Caafimaadka kaas lagu lafo guri doono arimo la xidhiidha Adeegyada Caafimaadka ee ay bixiyaan Cisbitaalada Dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Wasiirka oo ka hadlayay shirka wasaaraddiisu qaban qaabinayso,ayaa yidhi.“Waxaan ku dhawaaqayaa shirwaynaha iyo bandhiga Caafimaadka Somaliland oo ay soo qabanqaabisay Wasaaraddahorumarinta Caafimaadka kaas oo qorshaysan in la qabto muddada u dhaxaysa 16 illaa 20 bisha 11 aad sannadkan 2019ka,Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyadoo kaashaynaysa daneeyeyaasha caafimaadka waxay qaban qaabinaysaa Shirwayne Caafimaad oo loogu talo galay in lagu lafo guro arimo badan oo Caafimaadka la xidhiidha iyo hooyada iyo dhallaanka iyo sidoo kale kor u qaadista heerka adeegga ay bixiyaan Cisbitaalada Dawladda iyo kuwa gaarka looleeyahay.sidoo kale shirkaas waxa lagu lafo guri doonaa Caafimaadka iyo Xannuunada ku dhaca Dhimirka oo ah arimaha ugu wayn ee ay sannadkan xoogga saarayso Wasaarada Caafimaadka,”.

Cumar Cali Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata,ayaa yidhi“sidoo kale waxa shirkaa lagaga hadli doonaa sidii loo horumarinlahaa adeegyada Caafimaadka ee ay bixiyaan Xarumaha Caafimaadka waxa kale oo laga doodi doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa Dawooyinka iyo agabka Caafimaadka,waxa kale oo shirkaa lagaga doodii doonaa hannaan lagu Horumariyo Jaamacadaha bixiya barashada Caafimaadka waxa kale oo laga hadli doonaa anshaxa Mihnadleyaasha Caafimaadka waxaana laga doodi doonaa Xannuunada faafa waxaana shirkaa ka soo qayb gali doona dhamaan daneeyayaasha Caafimaadka.”.

Leave a Reply