Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka oo Qabtay Kulan Lagaga Hadlayay Tacadiyada Kufsiga

0
465

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):-Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Somaliland ayaa qabtay kulan lagaga hadlayay Tacadiyadii dhinaca kufsiga ee dalka ka dhacay saddexdii bilood ee u dambeeyay.

Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland Maxamed Baaruud Cali oo hadal ka jeediyay furitaankii kulankaas ayaa sheegay in loo baahanyahay sidii loo xakamayn lahaa tacadiyada Kufsiga.waxaanu yidhi“Xeerkii kufsiga waa kii Baarlamaanku ansixiyay ee Madaxweynuhu saxeexay markii la soo saaray Xeerkii Kufsiga dad badan ayaa diiday oo ka damqaday sidii uu u dhignaa xeerkaasi,markaa qof walba maalinta inantiisa la kufsado ayuu ka damqanayaan dadku, markaa waxay ila tahay in aynu dhammaanteen sidii Xeerkaa dib loogu hirgalin lahaa in aynu ka wada shaqayno,”.

Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Xuquuqal insaanka Rooda Axmed Yaasiin ayaa sheegtay in kulankan lagaga hadli doono sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Komishanka Xuquuqal insaanka iyo Hay,adaha wada shaqaynta ay la leeyihiin.waxaanay tidhi“Waxaynu doonaynaa si ay innoogu daydaan cidda Qaranka wax la qabanaysaa ee hay’adaha international ka ahi oo aynu isku dhawaano xog isku mida ka keeno,waxaanan isku waaninaynaa in hay,adaha Dawladda aynu meel ka wada jaad qaadno oo warbixinaheena isla sugno,

Waxaa kale oo isna kulankaa ka hadlay Ku Xigeenka Garyaqaanka guud ee Somaliland Xuseen Maxamed Jaamac Belel, waxaanu sheegay in Goleyaasha Baarlamanku ansixiyeen Xeerkii lagu xakamayn lahaa Kufsiga.waxaana uu yidhi“Kufsiga xeer ayaa loo sameeyay labada gole ayuu maray Madaxweynaha ayaa saxeexay buuq ayaana ka daba yimi ka dhashay xaga erey bixinta xeerkii dibbaa loo habeeyay Wasaarada Diinta iyo guddi ayaa loo saaray wax badan ayaana lagu kordhiyay xeerkaas.”.

Leave a Reply