Ciidamada Nabadgeliyada Wadooyinka oo Kaalin Mihiima ugu Jira Bulshada

0
442

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Ciidamada nabadgeliyada waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay hayaan shaqo ay adag tahay in uu ku dhiirado qofkasta, taasi oo u baahan la dhaqanka dulqaad kugu dhiirigalinaya bulshadda noocyadeeda kala duwan.

Shaqadani waxa ay kaaga baahan tahay dulqaad iyo samir joogta ah, kaasi oo la doonayo in lagu hago umadda.

Ciidamada nabadgeliyadda wadooyinku waxaa ay hadh iyo habeen hageen u yihiin kala hagista gaadiidka noocyadooda kala duwan.

Hadaba shalay xili saacadu ay aheyd 12:30 duhurnimo, ahna wakhtigii rawaaxaada, wakhtigaasi oo uu magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda ka da’ayay roob xoogani ayaa aniga oo maraya Isgoyska ugu saxmada badan ee uu maro jidka soo hormara aqalka madaxtooyadu waxaa taagnaa qaar ka mida ciidamada nabadgeliyada wadooyinka oo gudanayayna waajibaadka ay Qaranka u hayaan.

Ciidamada nabadgeliyada wadooyinku dhibcaha roobka dayay, may arkeyn laakiin waxaa ay ku hawlanaayeen sidii ay bulshadooda u badbaadin lahaayeen, waxay u baahan yihiin agabyadda laga xidho xili roobaadyada sida laaskoodhadaha aan biyaha siideyn iyo koofiyadaha.

 

 

 

Leave a Reply