Wasaaradda Isgaadhsiinta oo Xustay Maalinta Boosaha Adduunka

0
472

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland ayaa qabatay munaasibad lagu xusayay Maalinta Boostada Adduunka.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Cali Cabdilaahi Daahir oo hadal ka jeediyay Munaasibad lagu xusayay Maalinta Boosta Adduunka oo shalay lagu qabtay xarunta Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada ayaa sheegay in la casriyeeyay adeegga boosta ee wax layskugu gudbiyo.waxaanu yidhi“Boostu waxa ay qaadaa wax aanad Facebook iyo Whatsapp galin karin Boostu waxa weeye adeeg jiri doona inta bini aadam jiro kolba halla casriyeeyo,waana adeegyada wax layskugu gudbiyo xogaha lays waydaarsado adeegii guud ee laysku gudbiyn jiray ee Boostada laysku waydaarsan jiray sidoodii ayay yihiin hadaad qof fariin u dirayso iyo hadaad wax kale u dirayso,”.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Boostada ee Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada Maxamed Cabdikariim Xirsi waxaanu sheegay in dib u habayn lagu sameeyay Waaxda Boostada.

Waxaanu yidhi “Wasaarada Boostada iyo Tignoolajiyada dib u habayn ayaa lagu sameeyay waxaanan uga mahadcelinayaa Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ah qofkii ugu horreeyay ee markii uu xilka qabtay hir geliyay adeegii ugu horreeyay Boostada iyo Isgaadhsiinta,”.

 

Leave a Reply