Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya

0
438

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez iyo wefti uu hogaaminayo.

Kulankan oo ay warbaahintu dibad joog ka aheyd ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyay, gudoomiye Baashe waxaanu sheegay in safiirka ujeedada socdaalkiisu salka ku heysay sidii doorashadu wakhtigeeda ugu qabsoomilaheyd, sidoo kale waxaa uu xusay in uu daba socday heshiiskii saddexda xisbi Qaran ka gaadheen 7-xubnood ee gudida doorashooyinka Qaranka, iyo hirgalinta xubnaha cusub ee Koomiishanka.

Gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa aanu kulan la qaadaney safiirka Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub, horena waa uu inoogu yimid, waxaanu ka hadlay sidii doorashada wakhtigeedii loogu qabanlahaa, qodobadii sadddexda xisbi ku heshiiyeen ayuu daba socday midi waa dhammaatay waxaa hadhsaneyd ansixintii gudida doorashooyinka marka intaasi ayuu doonayay inuu baarlamaanka u sheego in doorashadii wakhtigeeda lagu qabto, wixii dhinacayaga yaalana aanu dhammeystirno”

Gudoomiye Baashe oo warbaahintu wax ka weydiisay sida uu arko in xildhibaan ka tirsan golihiisu uu ka qayb gallo calleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu yidhi “Horta xildhibaan iyo cid tagi karta ma jirto sharciba ka yaala Somaliland, xildhibaankii sheegay inuu ka qayb galayayna waa uu ka noqday, waxaa weeye dawlada Soomaaliya ninka Kismaayo taga iyo Puntland taga iyo ninka Xamar taga waa isku mid Xamar ayaa la yidhaaha sabab aynu u dhexgallaana ma taallo, Soomaaliya waa dal aynu daris nahay walaalo ayaynu nahay laba dawladood ayaynu nahay qofkii Kismaayo taga waxba soo kordhinmaayo, marka waxaa loo baahan yahay in sharciga la dhawro, ama warbaahin ha noqoto, ama abwaano ha noqoto sharcigu waa uu wada qabanaya qof aanu qabaneynina ma jiro ilaa sharciga la baabi’iyo waxaa kaliya ee la baabi’iyay waxaa weeyi kaliya wada hadalada ayaa loo ogolaaday, hase ahaate wasiir ma odhan karro waxaan taga Kismaayo waxaa loo ogolaaday waa wada hadal taasina waa in Somaliland faa’iido ugu jirto Soomaaliyana sabab aynu Kismaayo iyo Xamar Galmudug waa isku mid anaga Soomaaliya ayay noo yihiin sabab aanu u dhexgallaana nooma taallo hadii aynu wax u tarri karno in aynu heshiisiino ayaa loo baahan yahay laakiin, inagu maamul goboleed ma nihin ninkii doonaya inuu maamul goboleed noqdaana kuwa Xamar jooga haku biiraaan, qof taga ma jiro hadii qof tagayana waxaa uu sharcigu ka qabo uunba la marinayaa, xildhibaan taga ma jiro waayo iyaga ayaaba sameeyay”

“Madaxweynuhu go’aanbu qaatay dadkii eheladiisana waa qaatay cafiskaasi uu sameeyayna waanu la qabnaa”Ayuu yidhi gudoomiyaha golaha wakiiladda mudane Baashe Maxamed Faarax.

 

Leave a Reply