Xoghayaha Golaha Guurtida oo Berbera ka Furay Kulan Lagu Falanqaynayo Xeerka Guurtida

0
475

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay ku qabtay Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil kulan lagaga hadlayay samaynta Xeerka Golaha Guurtida,kaas oo ay ka soo qayb galeen Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Saaxil.

Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi oo furitaankii kulankaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ujeedadiisu tahay sidii laagu gor fayn laha Xeerka Golaha Guurtida.

Cabdinaasir Aadan Beegsi oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi“Kulankan aynu iskugu nimid u jeedadiisu waxa weeye Aasaaska Xeerka Golaha Guurtida sida aynu wada ognahay Golaha Guurtidu waa gole Dastuuriya oo ah Hay,adaha Sharci dajinta,maadaama wakhtigu isriixayo oo kolba jiil soo gelayo Golaha Guurtida Golayaasha mudadiisu lixsano ayay ahayd.in kastoo muddo kordhin la sameeyay haddana waxay noqotay in Golaha Guurtidu badka soo dhigo maxaa iska bedelay sidii uu ku yimi Golaha Guurtida mustaqbalka sidee ayuu noqon doonaa Golaha Guurtidu oo caynkee ayuu u eekaan doonaa,”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan IndhoIndho oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay dheertahay Wadamada Afrika Golaha Guurtida.waxaanu yidhi“Golaha Guurtidu waa golaha Somaliland ay dheertahay Afrika, South Afrika waa wadanka Afrika ugu wayn 1997kii waxay qaateen in ay yidhaahdaan Somaliland Golaheeda Guurtida aynu ku dayano,oo laba gole ay samaystaan mid diimaha ah iyo mid dhaqanka ah oo ay nabedgalyada ku ilaashadaan,”.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan oo isaguna halkaa hadal ka jeediyay ayaa ku ammaanay Golaha Guurtida doorkii ay ka soo qayb qaateen dhismihii dalka.waxaanu yidhi“Waxa kulankan lagaga tashanayaa Xeerka aasaaska u ah Golaha Guurtida muddo badan ayay ina soo hagayeen Golaha Guurtidu,runtii Wadamo badan oo Adduunyada ah ayaynu dheernahay Golaha Guurtida,waana kuwii halkaa soo gaadhsiiyay Somaliland,”.

Leave a Reply