Sida Lagu Xulan Karo Imaam Masaajid!

0
459

Qarinigii 15aad khilaafadii Cusmaaniyiinta waxa xukumayay amiir Suldan Sulaymaan Alqaanuni, waxayna wakhtigaasi ka talin jirtay dhul ballaadhan oo dunida ah. Casrigaasi dadka hawlaha ugu adag ee bulshada Muslimiinta hayay waxay ahaayeen imaamada Masaajida.

Sidaa darteed doorashada Imaamka Masaajidka waxa ku xidhnaa shuruurdo adag oo qofka ka soo baxaa uu noqonayo mid fulin kara bulshada arrimaha ay uga baahan tahay. Masaajidkuna waxa uu ahaa goob bulshadu ku kulanto maalin kasta.

Shuruudaha waagaasi lagu xidhi jiray Imaamada waxay ahaayeen kuwan hoos ku taxan:

Imaamadii wakhtigaasi shuruudahaasi ayay buuxiyeen waxaana ay ahaayeen sidan:

  • Inuu Quraanka kariimka aad u bartay, Injiil iyo Tawraatna yaqaano.
  • Inuu luqadda Carabida , Turkiga, Faarisiga iyo kuwa latiiniga ahba yaqaano
  • Inuu yaahay caalim shareecadda Islaamka, Fiqiga, siirada Nebiga iyo Taariikhada Islaamka aqoon weyn u leh.
  • Inuu xisaabta iyo cilmiga wakhtiyada iyo deegaanka aad u yaqaano
  • In Fardaha si fiican u fuuli yaqaano kuna dagaalami karo
  • Inuu cod fiican yahay
  • Inuu muuqaal fiican leeyahay.
  • Inuu yahay qof lagu dayan karo oo wanaagsan.!

Leave a Reply