Wiil 8 Bilyan Doller Magdhow Loo Siinayo

0
429

Garsooraha lagu magacaabo Philadelphia jury ayaa ku amray shirkadda dawooyinka soo saarta ee dalka Maraykanka laguna magacaabo Johnson & Johnson inay siiso lacag magadhow ah oo gaadhaysa 8 bilyan oo doller dhibanaha dacawad oogaha ah Murry.

Wiilka Nicholas Murray  oo 26 jir ah ayaa sheegay inuu ka iibsaday shirkadan dawada  Risperdal  oo loo isticmaalo xanuunada nafsaaniga ee maskaxda lagu dejiyo , taasi oo uu sheegay  in aanay shirkaddu u sheegin in dawadani ay  weynayso naasaha , taasi oo ku keentay mudadii u cunayay inay naasihiisu weynaadeen sida kuwa dumarka. Qareenka u doodaya wiilkan ayaa sheegay in shirkadda J & J ay ka doorbiday faa’ideeda ilaalinta caafimaadka iyo daryeelka bulshada, taasina ay khasab ka dhigayso inay siiso magdhowga wiilkaasi yar ee ay khiyaamada caafimaad kula kacday. Kiiska dawada “Risperdal”, xeerbeegtida qaadaysay garteeda ayaa ogaatay in Johnson & Johnson ay ku guuldareysteen inay uga digaan 26-jirka Nicholas Murray waxyeelada daawada. Murray wuxuu ku andacooday in qaadashada Risperdal oo sanadkii 2003 loo qoray ay keentay inuu yeesho naasaha, oo gaadhay xaalad aan la daweyn karin oo loo yaqaan ‘gynecomastia’.

Qareenada Murray ayaa u sheegay warbaahinta “CBSNews” maalintii Arbacada 09 October, in ganaax magdhowga loogu xukumay si ay shirkaddani u joojiso dawadan oo aad cabasho badani uga timi. Shirkadda ayaa la filayaa inay iyana rafcaan ka qaadan doonto kiiskan maalmaha soo socda.  Kiiska wiilkan ayaa ka mid ahaa kumanaan kiis oo maxkamadda hor yaalla.

Leave a Reply