Daahir Rayaale oo Xisbiyada Qaranka uga Digay Qabyaalada

0
411

Qore Khadar M. Xaashi

Boorama (Dawan) Madaxweynihi hore ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa xibsiyadda Qaranka ugu baaqay in aanay hab Qabiil ku raadsan kursiga ee ay hab xisbi ku raadsadaan.

Sidoo kale waxa uu bulshaweynta reer Somaliland u soo jeediyay in ay isku duubnaadaan mar walba, kana fogaadaan aafadda qaybyaalada iyo wax kasta oo aayahooda mustaqbal dib u dhigaya, waxaanu sidan ka sheegay wareysi uu siiyay Tv-ga HCTV.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Bulshadda reer Somaliland waxaan leeyahay isku duubnaada, qabyaalada markaan joogeyna waan ka digi jiray imikana waan ka digayaa, ee ha loo noqdo xisbinimo, umadda xisbiyada maanta jirana xisbinimo ha ku maamulaan ee yaanay ku maamulin oo yaaney ku raadsan kursiga hab Qabiika taasi oo khatar ku noqon doonta mustaqbalka ummadda, taasi ayaan kula dardaarmayaa”

Leave a Reply