Dawladda Somaliland oo ka Hadashay in Shirkadda Uganda Airlines ay Markii u Horreysay Duulimaad ka Bilowdo Hargeysa

0
394

Kampala (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa jecel inay Shirkadda Diyaaradaha ee Uganda Airlines ay duulimaad cusub ka bilowdo magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaasna waxa daabacay Wargeyska East African Business Week ee ka soo baxa Magaalada Kampala, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA.

Warsiduhu wuxuu ku warramay in diyaaradda Uganda Airlines ayaa shaacisay toddobaadkan inay duulimaadyadeeda Gobolka Bariga Afrika ay ku soo kordhinayso saddex duulimaad oo cusub.

Sarkaal u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay inay tallaabo weyn tahay in Shirkadda Uganda Airline ay ka degto Magaalada Hargeysa, waxaannu intaas ku daray in arrintaasi ay guul u tahay gobolka bariga Afrika.

Masuulkaas ka tirsan Wasaaradda Khaarajiga JSL wuxuu ku dooday in Shirkadaha Diyaaradaha Uganda oo timaada Hargeysa ay kor u qaadi doonto cilaaqaadka ganacsi ee u dhexeeya labada dal, isla markaana ay isku furi doonto shacabka Somaliland iyo Uganda.

Shirkadaha Diyaaradaha ee Uganda ayaa noqonaysa tii labaad ee dalalka bariga Afrika ee soo labeysa Shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo duulimaadyo toos ah ku timaada Madaarka caalamiga ah ee Cigaal.

East African Business Week wuxuu intaas ku daray in dawladda Somaliland ay sidoo kale danaynayso in Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya ay duulimaadyo ku tagto Hargeysa, arrintaasi oo uu dedaal ugu jiro Wakiilka Somaliland u qaabilsan Kenya Baashe Cawil Cumar oo xusay in ay jiraan ganacsato ka dhex shaqeysta Hargeysa iyo Nairobi oo u baahan inay toos iskugu xidhmaan halkii ay ka sii mari lahaayeen Addis-ababa.

 

Leave a Reply