Nuxurka Qodobo ay ka Wada Hadleen Guduudomiyaha Maxkamada Sare iyo Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya

0
480

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminayo Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez iyo wefti uu hogaaminayo.

Waxaana gudoomiyaha iyo Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez ay ka wada hadleen qodoba dhawra, kuwaas oo soo gaadhay xafiiska warqabadka ee wargeyska Dawan, waxaanay u dhignaayeen sidan.

“1. In la sii xoojiyo wada shaqaynta u dhaxaysa Hay’addaha Garsoorka, cadaalada iyo EU da.

  1. Guddoomiyaha Maxkamada sare waxa uu uga mahadnaqay EU-d taageerada ay siiso hay’addaha garsoorka iyo cadaalada iyo guud ahaanba Somaliland.
  2. Guddoomiyuhu waxa uu ku dhiiri-galiyay EU-da iyo beesha caalamka ee kale in ay u soo leexiyaan Somaliland tageeradii ay caalamka ku lahayd qaybteeda u qalanta.
  3. Waxa kale oo ay ka wada hadleen doorashooyinka dalka ku soo fool leh iyo doorka ay ku leedahay Maxkamada Dastuuriga ah.

 

 

Leave a Reply