Wasiirka Arimaha Gudaha oo Amar ku Bixiyay Duminta 126 Guri

0
463

Qore Khadar M. Xaashi

Gabiley (Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa amar ku bixiyay in la dumiyo 126 guri oo soo galay jidka, islamarkaana caqabad ku ah Nashqadeynta magaalada Gabiley, ee gobolka Gabiley.

Dhankiisa wasiirka wasaaradda hawlaha guud mudane Cabdirashiid Ducaale Qanbi ayaa bulshada reer Gabiley ugu baaqay in ay muddo 20-cisho ah kaga rartaan Jiingadaha waddada dhexdeeda ay ka dhisteen.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Barnaamijyadda ay hadda dawladdu waddaa waa hal-abuuryo la doonayo in barnaamijyadda horumarka arrimaha bulshada hore loogu mariyo, waxaa ka mida (Master Plane) qorshaha loo dhigayo magaalada, qaabkooda dhismuhuna waa xoolo ku wada jira xero, waa nidaam aan qorsheysneyn waxaanu dooneynaa oo aanu degmadda Gabiley ku baraarujineynaa arrinka Nashqadeynta magaalada, gacmaha ayaynu isugu wada geynaynaa, waa la sameynayaa, dhul faro badan ayaynu dumineynaa, dhul faro badan ayuu marayaa ee diyaar u noqda, waxaa hada la dhameystiray Togwajaale, waxaa kale oo ay soo dhameystireen Laascaanood.

Magaalada Laascaanood waxaa la dumiyay 341-guri oo dhisan, Sandaqad dhisan, Dayr dhisan, Sees calaamadsan, 341-ka dawladda Somaliland midna umay celin dhul badelna looma sameyn kharashkeediina lama gelin, maalin dhaweyd oo aanu Hargeysa joogney oo dhul leysku heystay ayaan idhi ‘Malaha lama fileyn Laascaanoodna inay aqbasho in intaasi oo guri la dumiyo’ Hargeysa oo caasimaddi dalka ahna waa loo taag layahay 126-guri ayaa wado dhex fadhiya oo waala dumin kari laayahay 126-kaba waa in la dumiyaa.”

Wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guriyeynta mudane Cabdirashiid Ducaale Qanbi ayaa amar ku bixiyay in 20 cisho gudahood ay bulshadu kaga guuraan jidadka waxaanu yidhi “Waxaa habboon wixii aynu faraha ku heyno in la wada qabto, waxaana jira in dhammaan hawshaasi aanu qabaneyno ay bixineyso degmadda Gabiley meel ay ka dhacdayna aanay jirin masuuliyiinta wasaaradda hawlaha guud iyo Injineeradda waxaan faraya in sida ugu dhakhsaha badan ay hawsha u bilaabaan oo sidii heshiiska iyo qorshuhu ahaana ay u fuliyaan, in mudo 20-cisho gudahooda sandaqadaha wadooyinka yaala lagaga qaado ”

Leave a Reply