Shil Baabuur oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

0
744

Qore Faysal Xiis Afgaab

Berbera (Dawan):- Ugu yaraan 11 qof ayaa ku geeriyooday, 13 qofna way ku dhaawacmeen Shil baabuur oo xalay fiidkii ka dhacay duleedka dhinaca Bari ee magaalada Berbera, ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo midna yahay Gaadhi kuwa qaadka ah iyo baabuur Noha ah oo siday Tahriibeyaal Itoobiyaan ah.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Saaxil Gaashaanle dhexe Faysal Ibraahin Yuusuf (Faysal Taygaro) oo wargayska Dawan xalay wax ka waydiiyay shilka labada gaadhi halka uu ka dhacay iyo qasaaraha ka dhashay, ayaa sheegay in shilkaa labada baabuur uu ka dhacay duleedka kaantaroolka bari ee magaalada Berbera isla markaana ay isku dhaceen gaadhi kuwa waawayn ee jaadka qaada ah iyo gaadhi Nooho ah oo siday dad Itoobiyaan ah oo u socday dhanka magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Waxaanu taliye Faysal sheegay in shilkaa labada gaadhi ay ku dhinteen 11 qof oo dhammaantood Itoobiyaan ah kuna dhaawacmeen 13 qof oo kale, waxaanu intaa raaciyay in dadkii ku dhaawacmay iyo Meydadka dadkii ku geeriyoodayba la keenay cisbitaalka guud ee Berbera. Waxaanu yidhi Taliyaha oo khadka taleefanka war kooban ku siiyay wargeyska Dawan. “Shilku wuxuu ka dhacay duleedka kaantaroolka bari ee magaalada Berbera waxaana isku dhacay laba gaadhi oo midna baabuurta qaadka yahay minda uu ahaa Noho sidey dad Itoobiyaan ah oo u socday dhanka Boosaaso, waxaana ku dhintay 11 qof oo dhammaan Itoobiyaan ah, waxaana ku dhaawacmay 13 qof, dhaawiciina waxaa lagu dawaynayaa cisbitaalka guud ee Berbera Meydadkiina waxaa la dhigay Cisbitaalka guud.”

 

Leave a Reply