Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo ka Hadlay Xannuunka Kuududiyaha oo ka Dilaacay Qaybo ka Mida Gobolka Togdheer

0
523

Qore Faysal Axmed Kaarshe

Hargeysa (Dawan):- Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin baadhitaanka Xannuunka Kuududiyaha oo ka dilaacay deegaano ka tirsan gobolka Togdheer.

Waxaanu  bulshada ku wargeliyay in aanu Xannuunkani laheyn wax dhibaato ah oo sas laga qaado.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye isaga oo ugu horeyn arrimahaa ka hadlaya waxaa uu yidhi  “Maalmahan waxaa gobolka Togdheer ka jiray xumad, markii aanu ogaaneyna koox wasaaradda ka socota ayaanu gobolka u dirnay, imika waxaa socda baadhitaanadii waxaanu u badan yahay xanuunka loo yaqaano ‘Kuududiyaha’ inkasta oo aanaan baadhitaanka ka hor dhacayn oo haddii ay xataa taasi noqoto xanuunkaasi maaha xannuun weyn waa xannuun sida Duriga oo kale dadka u qabta muddo koobana kaga baxa, wax inta badan dhimasho ah oo uu keenana ma jiro ama looga cabsadaba  marka waxaan jecelahay in guud ahaan bulshada aan la wadaago in aanu aheyn Xannuun weyn oo laga cabsan karo, oo keeni kara dhibaato weyn waa xummad muddo kooban qofka heyneysa oo Waddno xanuun la socdo marka xumad jabin la siiyona  qofku wuu iska ladnaananayaa”

 

 

Leave a Reply