Taliyaha Ciidanka Illaalada Xeebaha oo Gaadhay Magaalada Saylac

0
1029

Qore Khadar M. Xaashi

Saylac (Dawan):- Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Janaraal Maxamed Xuseen Xiirane iyo mareeyaha Dekeddaha Somaliland Siciid  Xasan Cabdilaahi, ayaa gaadhay magaalada Saylac, halkaasoo ay kula kulmeen maamulka gobolka Selel iyo Degmada Saylac.

Taliyaha ayaa sheegay in intii safarkooda dhanka Badda ay ku guda jireen inay la kulmeen tiroba 20 Doonyood kuwaas oo uu tilmaamay in ay sifo sharciga baalmarsan kaga Kalluumeysanayeen, islamarkaana ay ka soo dejiyeen Naakhuudayaashi, lana marin doono tallaabo sharciya.

Badhasaabka gobolka Selal mudane Mawliid Maxamed Nuur ayaa taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha iyo weftigiisa uga mahad celiyay kormeerka shaqo ee ay ku tageen degmadda Saylac waxaanu yidhi “Marka koobaad gobolkii Selal ku soo dhawaada, mar labaad degmaddi Saylac ku soo dhawaada waxaa aanu idinku soo dhaweyneyna gacmo furan, waanu darreemeyna shaqo Qaran ayaad u socotaan illaa afartii xalay aad Badda ugu soo jirteen si aad Qarankiina xog-ogaal ugu noqotaan, dhab ahaantii anaga farax weyn ayay na galineysaa ka gobol ahaan xog-ogaal u noqoshada rasmiga ah ee saacaddaha dheer aad u soo socoteen, waxaanu rajeynaynaa in socdaalkiinani inuu noqon doono mid taariikhda Baal Dahaba ka geli doonaa”

Maareeyaha dekaddaha Somaliland mudane Siciid Xasan Cabdillaahi oo isna goobtaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi  “Waan idiinka mahad celineynaa sida wanaagsan ee aad noogu soo dhaweyseen in kasta oo uu joogay wakiilkayagii dekadda Saylac, mudo dheerna waxaa aan jeclaa in aan idin imaado, laakiin waxaa aan doortay in aan dhinaca Badda soo marro, waxaanu ku hakaney Kalluumeysato sharci darro ah, oo uu tallaabo adag ka qaaday taliyaha ciidanka xeebuhu”

Taliyaha ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral-guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa sheegay in ay la kulmeen intii ay ku jireen safarkoodii dhanka Badda ee ay ku tagayeen degmadda Saylac ee gobolka Selal ku dhawaad 20-tan Doonyood waxaanu yidhi “waxaa aanu la kullaney Doonyo tiradoodu gaadheyso illaa 20, Naakhuudayaashi waanu ka soo dejiney qaarba yidhi sharci ayaanu heysana, laakiin wixii sharci wata waala arki doonaa, haddii ay sharci heystaana ku takri falimeyno hadii kalena dhagaha ayaanu ka jari doonaa, dhinaca Barina waanu qaban doona hadii ILLAAHEY yidhaaho”

Leave a Reply