Mudaneyaasha Golaha Wakiilada oo Dood ka Yeeshay Ajendaha Kalfadhiga 41-aad

0
418

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Fadhigii   Golaha  Wakiilada  Somaliland    ee shalay oo uu   Shir guddoominayay  Guddoomiyaha  Golaha   Wakiilada   Baashe  Maxamed  Faarax    ayay  Mudanayaashu     dood    ka yeesheen    ajandaha kalfadhiga 41aad.

Mudanayaasha  Golaha  Wakiilada   ee  doodaa ka qayb galay  ayaa waxay ku doodeen  in ajandaha lagu  soo daro  Qiimaynta  xaalada dalka  iyo  xogogaal  u noqoshada    xaalada  Dhaqaale ee dalku ku jiro.

Xildhibaan   Cabdiqaadir  Jaamac  Xaamud   ayaa  ku dooday  in loo baahanyahay   ajandaha  kalfadhiga   in lagu soo daro qiimaynta  xaalada dhaqaalaha ee dalka.waxaana  uu yidhi“Ajandahani wuu koobanyahay Saddex qodob ayaanan ku soo dari lahaa xogogaal u noqoshada xaaladaha dalka  iyo maamul daadejinta oo Wasaarada   Arimaha gudaha loo yeedho.waxa muhiima  oo jirta  xaalada  Dhaqaalaha ee  dalku ku suganyahay in lagu soo daro  Ajandaha  waxa kalo  oo iyaduna muhiima ah  in    ajandaha lagu soo daro  Xeerka Isgaadhsiinta oo baahi badan loo qabo.”.

Xildhibaan   Cabdiraxmaan  Muuse  Jaamac ayaa soo jeediyay in ajandaha lagu soo daro Warbixinta Shirguddoonka.waxaanu yidhi“Ajandaha waa in lagu soo diro  warbixintii  Shirguddoonka ta labaad  xaalada dalka sidii loo qiimayn lahaa  waa in lagu soo daro  ajandaha,Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wasiirka  Wasiirka  Arimaha Dibedda waa in loo yeedho  Xisaab xidhka Misaaniyadda   2018 waa in lagu soo darro ajandaha,”.

Xildhibaan  Cabdiraxmaan  Yusuf Cartan  ayaa  ku dooday in loo baahanyahay in ajandaha lagu soo daro  Qiimaynta  xaalada dalka.waxaana uu yidhi“Ajandaha waa in lagu soo daro  qiimaynta  xaalada dalka Golaha  Wakiilada  muddo labo bilood iyo badh ayuu kala maqnaa intii wax badan ayaa isbedalay   dalka gudihiisa,waxaanan   soo jeedinayaa in ajandaha lagu soo daro Xeerka Doorashooyinka waana in  aynu ansixino xeerkaa oo aynu is dhaafino,”.

 

 

Leave a Reply