Badhasaabka Sool Dhagax Dhigay MCH Xukuumadu Ka Hirgelinayso Degaanka Qorilay

0
439

By: Khadar Cabdi Muuse

 

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa shalay dhagax dhigay xarun caafimaad oo xukuumadda Somaliland ka fulinayso degaanka Qorilay oo ka tirsan gobolka Sool.

Waxaana badhasaabka dhagax dhigaasi ku wehelinayay maayarka magaaladda Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, iyo isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool Maxamuud Xaaji Khaliif.

Xaruntan caafimaad MCH ee badhasaabka Sool ka dhagax dhigay degaanka Qorilay ayaa noqonaysa mashruucii horumarineed ee ugu horeeyay oo laga hirgeliyo degaankaasi, kaasoo ay dadka degaanku  si diiran u soo dhaweeyeen.

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Sool oo hadal ka jeediyay goobtii dhagax dhiga MCH-kaasi ayaa sheegay in xaruntan caafimaad ay qayb ka tahay mashaariicda horumarineed ee qaranka Somaliland ka fulinayo dalkoo dhan.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Saaka (shalay) waxaynu isugu nimid munaasibad weyn, oo mashaariicda horumarinta ee qaranka jamhuuriyadda Somaliland uu ka fulinayo degaamadan. Waxaan saaka (shalay subax) isugu nimid in aan dhagax dhigno MCH-ka ay yeelanayso Qorilay.

Taasoo aan hore wax mashruuc ah looga fulin,  oo ay maanta kow u tahay. Muhiimadu waxay tahay min bari ilaa galbeed in mashaariicda horumarinta qaranku ay wada gaadho”.

Waxa kaloo uu sheegay badhasaabka Sool in MCH-kaasi uu madaxweynaha Somaliland u gartay in laga hirgeliyo degaanka Qoriley, isla markaana ay maalgelinayso xukuumadda Somaliland.

Badhasaabka ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay in uu u gartay in MCH-kaasi laga hirgeliyo degaanka Qoriley.

“MCH-kan waxaa toos u dhisaya dawladda Somaliland. Waxaana si toos ah u soo ogolaaday madaxweynaha Somaliland, isagaana u gartay Qoriley in laga dhiso MCH-kan. Runtii waa wax weyn.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waan uga mahad celinaynaa MCH-kan uu isagu u gartay in laga dhiso degaanka Qoriley”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Sidoo kale Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa sheegay in xaruntan caafimaad ay ka faa’iidaysan doonaan hooyooyinka iyo dhallaanka degaankaasi. Isagoo badhasaabku bulshadda Qoriley ugu baaqay in ay ilaashadaan nabadgeliyadoodda.

Waxaanu yidhi “Si hooyooyinka iyo caruurta iyo dhalaanka loogu daryeelo, oo hooyadda miyiga ku umulaysaa, aanu gaadhigu Laascaanood  ugu soo qaadin, oo aanay ugu dhibtoon in 75KM meel u jirta aanay u soo socdaalin, si aanay u rafaadin.  Laba arrimood ayuun baa la idinka rabaa, waa in aad amniga ilaashataan iyo nabadegliyadda”.

Geesta kale maayarka Laascaanood Cabdicasiis Taarwale, ayaa isna dhankiisa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin xarun caafimaad loo dhagax dhigo degaanka Qorilay, kaasoo dabooli doona baahidii caafimaad ee ay qabeen Qorilay iyo degaamadda ku xeeran.

“Farxad bay noo tahay in aanu maanta (shalay) halkan (Qorilay) joogno, oo aan dhagax dhigayno MCH-kan laga dhisayo Qorilay. Iyadoo Qorilay hoos timaadda degmadda Laascaanood. Qorilay oo madaxweynaha Somaliland u gartay in laga dhiso MCH-kan”ayuu yidhi

Waxa kaloo uu sheegay maayarka Laascaanood in MCH-kan laga dhisayo Qorilay aanu noqon doonin mashruucii u danbeeyay, isla markaana ay dawladu dadkeedda baahidoodda ka warhayso.

Waxaanu yidhi “Si baahidda caafimaad ee deegaankan ku hareeraysan Qoriley, uu MCH-kani uu baahidoodda u daboolo, waan soo dhawaynaynaa.

Dawladuna kolay dadkeedda way u maqan tahay. Waxaanan rejaynayaa mashruucani in aanu noqon kii u danbeeyay, ee mashaariic badani ay iman doonaan”.

Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan iyo ka gobol ahaanba soo dhawaynayaan MCH-kan laga dhisayo Qorilay.

Waxaanu xusay in ay madaxweynaha Somaliland uga mahad celinayaan go’aankiisa ah in MCH-kaasi laga dhiso Qorilay. Isagoo tilmaamay in bulshadda degaanku ay baahi weyn u qabeen xaruntan caafimaad.

Dhinaca kale qaybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan Qorilay ayaa si weyn u soo dhaweeyay MCH-kan caafimaad ee xukuumadda Somaliland ka hirgelinayso degaankooda.

Waxaanay madaxweynaha Somaliland  iyo xukuumadiisaba uga mahad celieen mashruucan caafimaad oo ay ku tilmaameen mid ay baahi weyn u qabeen.

Mid ka mida odayaasha degaanka Qorilay oo ka dareen celiyay MCH-kan loo dhagax dhigay, waxa uu yidhi “Waanu idiinka mahad celinaynaa xaruntan caafimaad ee aad Qorilay nooga hirgeliseen. Waana mid aanu baahi weyn u qabnay.

Waanu idinkala shaqayn doonaa amniga, si nabadgeliyo ah iyo deganaan ayaanay inoogu socon doontaa shaqadu. Waxaan u mahad celinayaa guddoomiyaha gobolka Sool, oo ilaa madaxweynaha u tegay.

Waxa kaloo aan u mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo og xaaladda Qorilay, waxna u qabtay”.

 

 

Leave a Reply