Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo Kulan la Yeeshay Madax ka Socday Hay’adda Save The Children

0
416

Waxaanu iskaashi dhow la leenahay hay’adda Save the Children, shaqo fiican ayaanay ka qabtaan Somaliland.” Mudane Saylici

Qore:Faysal Xiis Afgaab

 

Hargeysa(Dawan):- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somalilamd  Mudane Cabdiraxmaan Cabdillahi Saylici ayaa   ku bogaadiyay  shaqada hay’adda Badbaadada Caruurta ee Save The Children  ka qabato Somaliland iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ay dawladda la leedahay

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo ka socda Hay’adda  Save The Children  waxaa kale oo uu intaa ku daray in ay wada yeelan doonaan wada shaqayn dheeraad ah.

Mudane Saylici oo weftiga Save The Children xafiiskiisa ku soo dhaweeyay isla markaana la qaatay kulan gaar ah oo lagaga wada hadlay wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda Somaliland iyo Hay’adda Save The Children,

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlayay kulanka uu la yeeshay weftiga Save The Children,ayaa yidhi.“Waan ku faraxsanahay in xafiiskeyga lagu soo dhoweeyo wefti sare oo ka socda Save the Children Johanne Schmidt-Nielsen oo ah madaxa waddamada Sub-Saharan, Mr Jakob Eilsoe Mikkelsen iyo Merete Gotsaed. Waxaan iskaashi dhow la leenahay hay’adda Save the Children, waxayna ka qabtaan shaqo fiican Somaliland..”ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

 

Leave a Reply