Wasiirka Macdanta oo Socdaal shaqo ku jooga dalka Yugaandha

0
438

Qore:Maxamuud Walaaleeye

 

Kampala(Dawan);- Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal oo safar shaqo ku jooga dalka Ugaandha ayaa kulan la yeeshay Wasiiru-dawlaha Tamarta ee Ugaandha.

Wasiirka Tamarta Mudane Jaamac oo kulankiisa uu ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda Macdanta Cumar Yuusuf Cumar ayaa la sheegay inuu ku saabsanyahay indho-indhaynta nidaamka Macdan qodista dalka Ugaandha.

Wasiiru-dawlaha Macdanta ee dalka Ugaandha Hon. D’ujanga Simon oo xafiiskiisa ku qaabilay wefdiga Somaliland ayay  labada dhinac kaga wada hadleen sidii iskaashi wada shaqeyneed u wada yeelan lahaayeen labada dal iyo sida ugu habboon ee looga wada faa’iidaysan karo Macdanta.

Wefdiga Wasiirka Macdanta Md Jaamac ayaa sidoo kale tegay degmada Kasulo oo masaafo dhan 170 KM ka xigta dhinaca Koonfur-galbeed Caasimada Kampala oo ah deegaan ku caan ah hawlaha Macdan-qodista, gaar ahaan goobta loo yaqaan Nemuro World Farm Mine oo macdanta Tungsten laga qodayey illaa sannadkii 1950-kii.

 

 

Leave a Reply