Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda oo Ka Warbixiyay Addega E-Government oo Golaha Wasiirrada La Horgeeyay

0
1371

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda tiknoolajiyadda iyo isgaadhsiinta Somaliland Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, ayaa faahfaahin ka bixiyay isticmaalka adeegga cusub ee E-government oo ay golaha wasiirrada la horgeeyay .

Wasiirku waxa uu sheegay in nidaamkani uu yahay mid looga faa’iidaysanayo tignoolajiyadda casriga, iyadoo loo raacayo habka elegtarooniga ah, isla markaana wasaarradaha iyo hay’adaha dawladdu ay isticmaali doonaan.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in wadamo badan oo caalamka ah waxyaabaha ay inta badan dawladuhu ku tartamaan inuu yahay sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen tiknoolajiga.

Wasiirka oo faahfaahin ka bixinaya waxa uu yahay adeegan E-governmenta iyo sida loo adeegsanayo waxa uu yidhi “Waa in tignoolajiga loo adeegsado, adeegyadda la siinayo bulshadda. Sida caafimaadka, waxbarashadda.

Waxa kaloo ka mida adeegyadda dawladaha hoose. Waxa kaloo ka mida adeegyadda cashuur bixinta iyo dhammaanba wixii kale ee la xidhiidha, in loo adeegsado tignoolajiga. Weeye E-governance-ka macnaheedu”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay. “Waxay u jeedadu tahay in adeegyadda ay dawladdu u fidiso bulshadda in laga dhigo mid electronic ah. Bulshadaas oo ah dadka muwaadiniinta ah iyo shirkadaha ganacsiga iyo hay’adaha dawladda laftoodaba. In adeegyadaas loo fuliyo qaab electronic ah. taasoo aan ula jeedno in loo adeegsado tignoolajiga.

Si kale hadaan u eegno shirkadaha maanta ka shaqeeya ICT-gu, siiba isgaadhsiintu horumar weyn bay ka gaadheen adeegyadooda. Waxa u fududaynaayaa waa tignoolajiga. Markaa ta aan doonaynaa waxa weeye, taa si la mid ah in ay dawladdu uga faa’iidaysato tignoolajiga”ayuu yidhi wasiirka tignoolajiyadda iyo isgaadhsiinta Somaliland oo la hadlay idaacadda VOA.

Waxaanu tilmaamay in wadamo badan oo caalamka ahi in ay isticmaalaan nidaamka E-government, isla markaana ay warbixin sanadle ah waaxda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa tignoolajiyadu ka soo saarta tiradda dawladaha adeegsaday.

“Wadamo badan ayaa adeegsaday nidaamkan E-government. Waxaana jira wax la yidhaahdo E-government index, oo ay UN-ku soo saarto, waa warbixin sanadle ah. waana waxyaabaha ay inta badan dawladuhu ku tartamaan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen tignoolajiga”ayuu yidhi wasiirku.

Geesta kale wasiirku waxa uu sheegay in barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye ay ku jirtay in la hirgeliyo xukuumad ku shaqaynaysa nidaamka elegtarooniga ah.

Waxaanu yidhi “Waxaa ii raacsan in ay ku jirtay barnaamij siyaasadeedkii uu madaxweynuhu ku galay doorashadda, ee xisbiga Kulmiye ku galay ololihii. Waxaanay ku jirtay tiirka maamul wanaagga. Waxaana ku jiray in la hirgeliyo xukuumad ku shaqaynaysa electronic.

Markaa anagoo ka duulayna aragtidda madaxweynaha iyo siyaasadda xisbiga Kulmiye, iyo qarshaha qaranka ee labaad, ee ay Somaliland leedahay,  ayaanu wasaarad ahaan soo jeedinay curintan”.

Waxa kaloo uu wasiirku ka hadlay faa’iidadda uu leeyahay nidaamkan E-government, waxaanu yidhi “Faa’iidadda uu leeyahay mashruucani la hir gelinayaa, kow wuxuu fududaynayaa helidda adeega. Qofku haddii uu doonayo in uu helo kaadhka aqoonsiga, tusaale ahaan isagoo jooga gurigiisa, ayuu qofku buuxinayaa codsi loo diyaariyay. Codsigaasi ayuu dirayaa, ballan ayaa loo qabanayaa.

Waxaa ka mid ah in qofku isagoo jooga gurigiisa uu biyaha bixiyo, xataa qofku isagoo waddanka dibediisa ku maqan ama safar ku jira ayuu adeegan lacagta ku bixin karaa. Faa’iidadda koowaad waxa weeye, helidda adeeg dalkoo dhan wada gaadha. E-government wuxuu innaga caawinayaa in dadkan caasimadda ku soo wada ururaya in adeegyadoodii meeshoodda loogu geeyo. Waxa kaloo iyadna ka mid ah in qofku uu hello xog dhamaystiran”.

Dhinaca kale in adeegyadda ay bixiyaan hay’adaha dawladdu in looga guuro mid electronic ah waa mid u baahan xirfad, ma hanan karaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda Somaliland in nidaamkaas cusub loo guuro.

Wasiirka ayaa arrintaa sharaxaya, “Mar haddii uu jiro go’aan madaxweyne, waa in laga hirgeliyaa dhamaanba laamaha dawladda. Waanay ku khasban yihiin, ama ha noqoto wasaarad ama ha noqoto hay’ad madax bannaan ama ha noqoto xafiis kaloo dawladeed.

Annaga wasaarad ahaan waxaa nalaga sugayaa in aanu la fududayno sidii loo hirgelin lahaa. Markay noqoto kaabeyaal ama qalab wasaarraduhu way haystaan lagu bilaabi karo shaqadda.  Shuruucdana waanu diyaarinay.

Marka aad tidhaahdo adigoo ku shaqayn jiray manual waxaan u wareegayaa electronic, waxay u baahan tahay shuruuc lagu ilaaliyo xogta ama qofku haddii uu denbi gallo”ayuu yidhi wasiirka tignoolajiyadda iyo isgaadhsiinta Somaliland.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxa kaloo aanu wasaarad ahaan soo jeedinay in xirfadda da’yarteena kor loo qaado, waxa kaloo aanu soo jeedinay in lagu daro manhajka waxbarashadda ee Somaliland maadadda ICT-ga, oo ay noqoto mid aas aasi ah.

Sida Xisaabta iyo Sayniska iyo wixii la mid ah oo kale. Weliba-na laga soo bilaabo fasalka koowaad, ilaa iyo inta uu dhamaystirayo waxbarashadiisa”.

 

Leave a Reply