Yuganda oo Ogolaatay In Dalkeeda Somaliland Safaarad ka Furato.

0
452

Qore: Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):- Dawladd dalka Yuganda,ayaa ogolaatay in xidhiidh dublamaasiyadeed iyo mid iskaashi in ay la yeelato Somaliland isla markaana aqbashay in Somaliland ay safaarad ku yeelato dalkeeda.

Guddoomiyaha   Gudida  Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka    Caalamiga ah  ee  Golaha  Wakiilada  Axmed  Cabdinuur  Kijaandhe  oo ka mid ahaa wefti heer baarlaman ah oo ka socday Somaliland oo uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiilada oo dalka Yuganda kaga qayb galay shirka Baarlamaanada dalalka Barwaaqo sooranka oo ay kasoo qayb galeen 53 dal oo caalamka ah oo ka war bixiyay guulihii ay safarkaa laga soo noqdeen ayaa sheeay in dawladda Yuganda in ay ka aqbashay in Somliland  dalkaas Safaarad ku yeelato iyo in xidhiidh iskaashi oo labada dal ay wada yeeshaan.

 

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Gudida  Arimaha dibedda  iyo  Xidhiidhka  Caalamiga ah   ee  Golaha  Wakiilada oo uu Hoggaaminayay  Guddoomiye ku  Xigeenka  koowaad  ee Golaha Wakiilada ayaa  bishii  Augots 21 waxa aanu  ka qayb galnay Shirkii Ururka  Wadamada   Baarlamaanada      Barwaaqo sooranka oo ka dhacay dalka Yugandha  shirkaas oo muhiim u ahaa Somaliland  oo ay ka soo qayb galeen  xubno Baarlamaan   oo  badan  waxaana ku midoobay 53 dal oo adduunyada  ah Baarlamaanadooda  oo isugu yimaada Shirkaas,”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray “Waxaanu fursad wayn uu siiyay  shirkaasi   weftigii ka socday  Baarlamanka  Somaliland  ee  shirkaa ka qayb galay   oo la kulmay  xubno ka socday   dalal kale  oo shirkaas ka soo qayb galay,waxaanan kala hadalnay  Qadiyada  Somaliland waxaanan  la kulanay  Wasiirka  Arimaha Dibedda ee dalka Yugaandha waxaanan usoo  bandhignay  oo aanu  kala hadalnay Taariikhda   Somaliland la hayd iyo siday kala yihiin  Somaliland iyo  Soomaaliya iyo in  Somaliland ay ka qayb gashay dagaalkii labaad ee Adduunka  oo dalka  Yugandha  Barma  ka wada dagaalanay ayaan u sheegnay.waxyaabihii uu ogolaaday  Wasiirka Arimaha Dibada   ee Yugandha  waxa ka mid ahaa in la furo      xafiiskii  Safaarada  Somaliland   ku lahaan lahayd Yugandha,” .

Ugu dambayn waxaa uu xildhibaanku u mahad naqay Aamins Xirsi Mooge oo ah maalqabeen u dhalatay Somliland oo deggen dalkaas isla markaana ka mid ah tijaarta waawayn ee Yuganda oo uu ku ammaanay doorkii ay ku lahayd socdaalk weftiga Somaliland iyo siday u qaabishay horseedna ugu ahayd in ay la kulmaan madx badan oo dalkaas ah,waxanu yidhi. “Waxaan aad iyo aad ugu  mahadcelinayaa sidii  sharafta iyo karaamada lahayd  ee    Ganacsatada   Aamina  Xirsi Mooge weftigaa usoo  dhawaysay  oo gacan ka gaysatay  safarkaas Yugandha aanu ku tagnay iyo halkii ay hawshaas kaga jirtay,taas oo suurta galisay in weftigaasi  la kulmaan madax badan oo shirkaa ka soo qayb galay waxa kale oo aanu la kulanay afhayeenka  Baarlamaanka dalka Yugandha xidhiidhna waanu ka soo samaynay ay wada yeeshaan labada Baarlamaan ee dalalka Yuganda iyo Somaliland,”.

Leave a Reply