Dood Ku Saabsan Caqabadaha Hor Taagan Doorashada Golaha Wakiiladda oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
48

“Wax kasta ha ahaatee wax baynu soo dhisanay wixii aynu soo dhisanay sidee ayaynu u hagaajinaa”… Aadan Muuse Jibriil

“Anigu ma qabo in aynu beel dib ugu celino waa in ay ka timaado madaxdeena ugu sarraysa dalka”… Prof. Fadal

 

Qore: Khadar Cabdi Muuse

 

Hargaysa (Dawan): Saami-qaybsiga kuraasta xildhibaanadda golaha Wakiiladda ayaa la tilmaamaa in ay ka mid tahay waxyaabaha caqabadda iyo dib u dhaca ku keenay dimoqraadiyadda Somaliland iyo doorashada golaha wakiilada .

 

Dood cilmiyeed lagu falan qaynayay arrintaasi dib u dhaca dimoqraadiyadda Somaliland uu ku keenay saami-qaybsigu ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa, taasoo uu soo qaban qaabiyay Akaademiga Nabadda iyo horumarka Somaliland.

 

Waxaana doodaas lagu soo casuumay xubno ka socday xisbiyadda siyaasaddda, ururadda bulshadda rayidka ah, aqoonyahanno, siyaasiyiin madax bannaan iyo dhallinyaro.

 

Agaasimaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Maxamed Faarax Xirsi, ayaa ugu horayn faahfaahin ka bixiyay u jeedadda dood cilmiyeedkaasi, waxaanu yidhi  “Ujeedadda aanu ka leenahay waxa weeye, waxaa aanu soo bandhignay wixii bedelayay iyo habka ugu wanaagsan ee kala xulasho ah.

 

Waanay jiraan dad badan oo innaga aqoon iyo khibrad-ba badan, oo innaga maqan. Laakiin, in badan oo aqoonteedii iyo khibradeedii iyo taariikhdeediiba haysaa, halkan (madasha) way fadhiyaan”.

 

Waxaanu intaas raaciyay, “Midna way ina tusaysaayoo, doodii aynu sanadkii 2004-tii haynay, ayaynu imikoo 2019-kii ahna haynaa. Markaa waa dib u dhac weyn, oo ina tusaya in nidaamkeenii siyaasiga ahaa uu dib u dhac ku imanayo”ayuu yidhi Maxamed Faarax Xirsi.

 

Axmed Xasan Cali (Casoowe), oo xukuumadii UDUB ka soo qabtay xilalka wasiirka caddaaladda iyo caafimaadka  ayaa isagu ku taliyay in sida ugu habboon ee lagaga gudbi karo caqabadaha jira in marka hore nidaamka beelnimadda wax lagu qaybsado.

 

Waxaanu yidhi “Waxaan qabnaa, oo aanu la qabnaa in beelnimadda wax lagu qaybsado marka hore. Marka danbe sidii la rabo haloo kala jajabiyo, oo cid waliba deegaankeedda iyo gobolka ay rabto hala aado.

 

Waxaynu ku heshiin karnaa baan is leeyahay anigu nidaamka ah in beeluhu wada hadlaan. Beelaheenu-na way heshiiyaan, waa dad isu-tanaasula”.

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland ayaa isna arrinta saami-qaybsiga ku tilmaamay caqabadaha ugu waaweyn ee hor taagan geedi socodka dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland.

 

“Saami-qaybsigu wuxuu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee imika wadanka ka jira, ee dimoqraadiyadda ama doorashooyinka hor taagan weeye”ayuu yidhi xildhibaan Cartan.

 

Weriyaha ruug cadaaga ah ee Axmed Siciid Cige, ayaa isna ka mid ahaa dadkii halkaas doodaadda ka dhiibtay, waxaanu  sheegay in ay dhaceen khaladaad waaweyn xil gudasho la’aan iyo fashil laga galay dimoqraadiyadda.

 

Waxaanu yidhi “Xil gudasho la’aan baa ka dhacday halkan. Shan iyo toban sanadood baynu ka hadlaynaa imika, iyadoo doorashadii kaabiga innagu hayso. Waa khalad weyn baan qabaa anigu. Fashilka waa in ay cidi qaadato, xil gudasho la’aanta waa in ay cidi qaadato”.

 

Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Derawal), oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadihii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, ayaa isna ka mid ahaa masuuliyiintii doodaasi ka qayb qaatay.

Waxaanu sheegay in Madaxweyneyashii hore ee Somaliland in arrintaa ay in badan sheegeen in ay wax ka qabanayaan laakiin aanay waxba ka qaban.

Waxaanu yidhi “Waxaan xasuustaa saddexdii madaxweyne ee u danbeeyay, saddexduba way ka hadlaan oo waxay yidhaahdeen waanu hagaajinaynaa, oo arrinkaa wax baanu ka qabanaynaa, oo dariiq baanu u samaynaynaa.

 

Madaxweynaha hadda fadhiya, in uu ka qabanayo iyo in kale mooyaane, labadii hore midna waxba kamuu qaban”.

 

Sidoo kale Prof. Maxamed Cismaan Fadal, oo madashaasi doodiisa ka dhiibtay ayaa sidan yidhi,  “Anigu ma qabo in aynu beel dib ugu celino, oo aynu cuyub u celi nidhaahno.

 

Waa in waxyaabahan aynu imika haysano aynu si sax ah ugu shaqayno, oo aynu madaxeena isku gayno, oo ay ka timaado madaxdeena ugu sarraysa dalka, ayaan anigu qabaa”.

 

Geesta kale aqoon yahamadii halkaas doodda ka dhiibtay waxaa ka mid ahaa Aadan Muuse Jibriil, oo isagu sidan qaba, “Wax kasta ha ahaadee, waxbaynu soo dhisanay. Hadalkuna waxa weeye maanta, wixii aynu soo dhisanay, sidee ayaynu u hagaajinaa”ayuu yidhi Aadan Muuse Jibriil.

 

Dhinaca kale waxaa halkaas ka hadlay qaar ka mida dhalinyaradii iyo aqoon yahanadii kulanka lagu soo casuumay, iyadoo badankoodu carabka ku adkeeyeen in ay lagama maarmaan tahay in tiro-koob laga sameeyo dalka.

 

Intii doodaasi ay socotay Akaademiga Nabadda iyo horumarku waxay ku soo bandhigeen daraasad ay ka soo sameeyeen goboladda dalka Somaliland, taasoo dadka lagu waydiinayay sida ugu habboon ee lagu furdaamin karo is-mari waaga ka taagan saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiiladda  Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here