Dhabbaha Waxqabadka iyo Hanaanka Dawladimo ee Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi

0
1764

Eng Abdikadir Hussein ((Abdibayol))

Intuu Xilka Hayay Madaxwayanaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waxyaabo badan baa u qabsoomay oo aan layska indho tiri karin dalkan iyo dadkan faa’iido u noqday. Xukumada madaxwayanaha Muse Biixi waxay gacan bir ah ku qabatay oo joojisay musuq maasuq xad dhaaf ah oo saameeyay dalka iyo dadka ka hor intii aanay xukuumada madaxwayne Biixi xilka la wareegin iyo joojinta lunsiga hantida qaranka oo aan loo aabo yeelin jirin.

Sugida Amniga iyo xududaha qarankan jamhuriyada Somaliland iyo tayaynta iyo qalabaynta ciidamada kala duwan ee amniga qaranka Somaliland u xilsaaran.

Kor uqaadida iyo tayaynta laanta ha’yada sirdoonka qaranka JSL oo madaxwaynuhu u magaacabay masuul khibrad iyo aqoon u leh hayada sirdoonka qaranka iyada oo ay imikaba ay ka muuqato hanaanka ay u shuqayso oo dalkan iyo dadkan faa’iido u noqotay intuu uu xilka hayay masuulka loo magaacabay hay’adaasi.

Kala dambaynta iyo nidaam u samaynta iyo hanaanka ay u shuqayso madaxtooyada qaranka oo markii hore u eekayn xarun madaxtooyo taasina ay ugu wacnayd masuuliyiintii hore madaxtooyada soo maray.

Kala dambaynta iyo nidaamka shaqo ee ka socda xarunta madaxtooyada JSL oo ah imika meel loo shaqo tago balse aan loo hurdo tagin waxaa amaanta masuuliyadeeda leh madaxwayanaha qaranka jamhuriyada Somaliland oo madaxtooyada keenay masuuliyiin dhalinyaro ah oo aad u firfircoon yaqaana hanaanka shaqo ee qarankan jamhuuriyada Somaliland loogu shaqayn karo.

Masuuliyiintaas oo ugu horeeyo xoghayaha gaarka ah ee madaxwayanaha Mubaarik Taani oo ah shakhsi shaqo wacan oo la dhaqan leh yaqaana sida waajibaadka shaqada qaranka looga soo baxo iyo agaasimaha madaxtooyada Maxamed Cali Bile iyo dhamaan kooxda shaqaalaha madaxtooyada oo ah koox isku xidhan oo wada shaqayn wacani kadhaxayso shaqada dhexdeedana isku ixtiraama.

Tayaynta iyo ku dhaqan ka hanaanka waxbarasho ee dalka oo markii hore ahayd nidaam iyo hanaan waxbarasho oo aan lagu dhaqmi jirin shuruucda u yaali jiray waxbarashada dalka.

Xukumada Madaxwayanaha Muse Biixi waxay gobolada dalka ka hirgalisay in beeralaydu mudnaanta kowaad ka dhigaan wax soo saarka dalaga beeraha si looga maarmo cuntada dibada inooga timaada mudnaanta koobadna la siiyo waxsoosaarka dalka taana waxaa amaanteeda masuulka uu madaxwaynuhu u magaacabay wasaarada beeraha.

Iyada Xukumada Madaxwayne Muuse Biixi intii ay jirtay xukumada kaliya ee aan faro galin haayadaha garsoorka u samaynta iyo u madax banaanida shaqo ee haayadaha garsoorka dalka sida maxkabada sare.

  • Maxkabada Gobalka Maroodijeex
  • Maxkabada Racfaanka
  • Maxkabada Degmada Hargeisa

Iyada dacwadaha iyo eedaha la horgeeyo maxkabadahaas. ay u dhacaan si cadaalad ah oo aan eex lahayn taasna waxaa amaanteeda xeer ilaalinta guud ee qaranka iyo gudida cadaalada oo uu hormood u yahay gudoomiyaha maxkabada sare ee dalka Aadan Xaaji Cali.

Koru kaca iyo kobaca dhaqaalaha xukumada jamhuuriyada somaliland waxay nidaam iyo hanaan islo xisaabtan u samaysay goobaha dakhli ururinta gobalada dalka. Iyada oo aan markii hore jirin hanaan isla xisaabtan goobaha dakhliga dalka iyada oo markii hore goobaha dakhli soosaar uu ka dhici jiray lunsi iyo wax isdaba marin, edeb u samaynta rajiimka faqashta ka taliya hoyga qadaadwaynta .

Xukumada Madaxwayanaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee uu hormood u yahay madaxwayne Muse Biixi Cabdi waxay laf dhuun gashay ku noqotay hogaanka faqashta ka taliya hoyga qadaadwaynta iyaga jiif iyo joogba u diiday.

Taasna waxaa amaanteeda hogaamiyaha qaranka jamhuuriyada somaliland ahna Madaxwayanaha Jamhuuriyada Somaliland Muse Biixi Cabdi Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Ahna Godoomiye Ku xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Xxmed.

Shacabka Jamhuuriyada Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in lala shaqeeyo oo lays barbar istaago xukumada jamhuuriyada Somaliland oo haysa dhabbaha hanaanka waxqabadka iyo horumarinta dalka.

Gacmo wada jirbay wax Ku Gooyaam

Far kaliya Fool Ma Dhaqdo

Allaa Mahadleh

Eng Abdikadir Hussein ((Abdibayol))

+252634243732

 

Leave a Reply