Wasaaradda Beeraha oo Waxsoosaarka Dalka Ku Soo Bandhigtay Xuska Maalinta Cuntada Adduunka

0
785

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Wasaaradd Horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa waxsoosaarka dalagyada dalka ee kala duwan ku soo bandhigtay shalay munaasibadda maalinta cuntada adduunka oo shalay ku beegnayn laguna qabtay caasimaddaa Somaliland ee Hargeysa.

Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland oo ay kasoo qayb galeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,wasiirka wasaaradda horumarinta Wasaarada Beeraha Axmed Muumin Seed Wasiirka Wasiirka Wasaarada Biyaha Saleebaan Yusuf Cali Koore Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Xasan Gaafadhi Cali iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha,beeralayda dalka oo ka kala yimi gobolada dalka iyo hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda Beeraha. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo marti sharaf kale.

Mdaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay munaasibadaa ku ammaanay Beeralayda sida ay kor ugu qaadeen waxsoosaarka Beeraha dalka

Wasiirka Wasaarada Beeraha Axmed Muumin Seed oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ku talo galkoodu yahay sidii Somaliland u gaadhi la hayd isku filnaansho dhinaca cuntada ah.waxaanu yidhi“Maalinta Cuntada Adduunka Caalamka oo dhan ayaa laga xusayaa waxaana loo aqoonsaday 16 bisha Octoober Maalinta Cuntada Adduunka halkan maanta(shalay) waxa ku sugan Beeralaydii dalka oo dhan oo soo bandhigaya wax soo saarkii Beeraha ay ka soo saareen,Saddex Mashruuc ayay Wasaaradda Beeruhu gacanta ku haysaa oo kala ah Banka Wajaale Banka Xaaxi iyo Banka Daadmadheedh waxaana garab socda dhiirigalinta aanu siinno dhammaan beeralayda dalka sidii ay ula soo bixi lahaayeen wax soosaarka Beeraha.waxaana noo qabsoomay oo aanu ku dhiiranay in wax soo saarka beeraha dalka kor loo qaado adduunyada way yartahay cid ku tiirsan cunto dibbeda uga timaada waddan kastaana waxa uu cunaa waxay la soo baxaan waxaanan doonaynaa in Somaliland gaadho isku filnansho dhinaca raashinka ah.”.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Xasan Maxamed Cali Xasan Gaafaadhi oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Wasaarada Beeruhu ay ka mid tahay Wasaaradaha Wax soosaarka dalka.waxaanu yidhi“Waxa lagu dhiirigalinayaa munaasibadan Dalagga iyo wax soosaarka Beeraha dalka Wasaaradaha Beeraha Wasaarada Kalluumaysiga iyo Wasaarada Biyuhu waxay ka mid yihiin Wasaaradaha wax soo saarka dalka,Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxay kaga jiraan mudnaanta koowad,waxa hubaal ah in maanta Caalamku ku tartamayo waxa lagama maarmaanka ah, markaa in aynu ku dedaalno in aynaan cidna cuntadeeda aynaan ku tiirsanaan,ayaa loo baahan yahay waana ta aanu dhiiri gelinayo”.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Saleebaan Yusuf Cali Koore ayaa ku ammaanay Wasaarada Beeraha sida ay ula shaqaysay Beeralayda dalka.waxaanu yidhi“Wasaarada Beeraha waxa aanu leenahay wada shaqayn dhaw waxaanay Wasaaradda Beeruhu ku tiirsantahay Biyaha waxaana aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Wasiirka Wasaarada Beeraha oo intii Xukuumaddu jirtay aan qirayaa isagoo Xukuumadda gacan ka helaya inuu si dhaw ula shaqeeyay beeralayda,”

Ugu dambayn madaxweynaha Somaliland ayaa soo kormeeray dalagyo kala duwan oo dalka ka soo go’ay oo beeralayda dalku ay ku soo bandhigeen munaasibadda maalinta cuntada adduunka .

 

Leave a Reply