Wasiirka Waxbarashada oo Burco Shir ka Furay Farriinna u Diray Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay

0
508

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cismaan Jaamac Aadan ayaa sheegay in aanay jirin wax fogayn ama cadaawad ah oo ay u hayaan ka wasaarad ahaan dugsiyda gaarka loo leeyahay,waxaanu intaa ku daray in loo baahan yahay oo keliya in sharciga lagu dhaqo waxbarashada dalka oo ay qaranka masuul uga tahay wasaradda waxbarashada iyo Saynisku.

Waxaanu intaa raaciyay in ay fawdo iyo waxbarasho l,an tahay in qofba meel isguul aan la ogayn in uu ka furto isla markaana aan la garanayn waxa uu carruurta u dhigayo.

Wxaanu sidaa ka sheegay mar uu shalay ka kadlayay shirka guddoomiyeyaasha waxbarashada gobolada dalka oo uu ka furay xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

Wasiirka oo ugu horrayn farriin u diray dugsiyada gaarka loo leeyahay,ayaa yidhi. “Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo Dugsiyada Dawladda labaduba ubadka Somaliland ayay waxbaraan Wasaarada Waxbarashada way u siman yihiin kaliya in sharciga lagu socdo oo qof waliba ku dhaqmo oo sharciga ay Wasaarada Waxbarashadu ku hoggaaminayso in lagu dhaqmo weeye,hadii qof waliba meel dugsi ka samaysto oo cidi aanay ogayn oo 90 arday ku xareeyaan arday yaryar oo macalinku waxba u dhigi karayn oo imtixaan aanu ka qaadi karin masuuliyadda Wasaarada Waxbarashada weeye in ay eegto.xumaan ay u qabtaa Wasaaradu majirto dugsiyada gaarka loo leeyahay cadaawad ka dhaxaysaana majirto,cashuurta lagu leeyahay oo ka mid ah Diiwaangelinta ay isdiwaangalinayaan waa in la ogadaa Manhajka ay dhigayaan dugsiyada gaarka loo leeyahay waana waajibaadka Wasaarada Waxbarashada Jaamacadaha gaarka loo leeyahay xeerkaas ayaa qabanaya,” .

Sidoo kale Cismaan Jaamac Aadan ayaa waxa uu sheegay in shirkaa burco ka furmay lagu tayaynayo Waxbarashada dalka.waxaana uu mar uu ka hadlayay shirka Burco uga furmay guddoomiyeyaasha waxbarashada gobolada ayuu yidhi.“Shirkan waxa loogu talo galay tayaynta Waxbarashada dalka si sare loogu qaado Waxbarashada gaar ahaan Waxbarashada Dugsiyada Dawladda waxaanan rejaynayaa oo aan isleeyahay waa Horumar aynu gaadhnay in aynu gobolada ku qabano shirarka noocan oo kale ah oo dawladnimada hoos loogu daadejinayo,si aynu u horumarino waxbarashada iyo aayahooda ubadka iyo qiimaha ay Waxbarashada leedahay,”.

 

 

 

 

Leave a Reply