Munaasibad Lagu Xusayay Maalinta Shuhaadada Snm Oo Lagu Qabtay Hargaysa

0
485

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Munaasibad lagu xusayay Sannad Guurada 35aad ee ka soo wareegtay Xuska maalinta Shuhaadada ururkii SNM ee 17 Octoober ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Hargaysa.

Munaasibadan lagu xusayay Xuska 17 Octoober ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Yurub Abiib Cabdi, Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi, Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, Ku Xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah UCID Cabdinaasir Yusuf Cismaan Qodax, Xubno ka tirsan Jimciyada Mujaahidiiinta Sooyaal iyo marti sharaf kale.

Wasiir ku Xigeeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Yurub Aabiib Cabdi oo hadal ka jeedisay halkaas ayaa waxa ay sheegtay in saraakiil qiimo badan ay kaga dhinteen halgankii dalka lagu xoreeyay.waxaana uu tidhi“Markii ay SNM soo dagaalantay ee khasaare badan iyo dhimasho badani ku soo dhacday oo rag badan oo qaaliya halgankii nagaga dhinteen,waxa ay labo sanno ka dib ayay ku soo celisay gacanta shacabka kursiga dalka ugu sareeya,taasina waxa ay ahayd in dadku wax wada leeyihiin Madaxweynaha kursiga ku fadhiya maaha nin looga waramayo SNM waynu guulaysanay ma calaacalayno”.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi oo isaguna halkasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in taliskii Siyaad bare xasuuq ka gaysteen dalka.waxaana uu yidhi“Dhibaatooyinkii soo dhacay waxna dagaal ayuu ahaa lala galay Dawladii Siyaad bare,waxaana xasuuq ku samanaysay dadka dadkii la laayay ee guryahooda lagala baxay ee la laayay ee xabaalo wareedyada lagu guray taasi waxa ay inooga baahantahay in la soo qodo xabaalo wadareedyadii oo la aaso weeye,”.

Ku Xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cabdinaasir Yusuf Cismaan Qodax ayaa waxa uu sheegay in 17 Octoober tahay maalin qiimo wayn ugu fadhida dalka.waxaana uu yidhi“Runtii Maanta waa maalin qiimo leh waxa aynu ognahay dalka halgankii loo soo maray iyo dhibatadii loo soo maray Somaliland waxa ay ku timid waana maalin qaaliya oo inagu wayn 17 Octoober,waana in laga dhigo maalin dadka la fasaxo si halgankii dalka loo soo maray aynu u xusno ,”.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo halkasi ka hadlay ayaa waxa uu soo jeediyay in la qoro Taariikhdii ururkii SNM.waxaana uu yidhi“Taariikhdii SNM in ay sii jirto oo la qoro aad iyo aad ayay muhiim u tahay Xukuumadda waa in ay xil iska saarto sidii loo qori lahaa taariikhdii SNM,Maanta oo ay inala joogaan dadkii usoo agoomoobay SNM ee usoo naafoobay maxay u agoomoobeen waana in aynu ogsoonaano dad kaasi maxay u dhinteen waxaana iyaga wax tar u ah u jeedadii ay la haayeen in la gaadhay,”.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku Xigeenka Jimciyadda Mujaahidiinta Sooyaal Yusuf Maydal ayaa waxa uu sheegay in 17 Octoober ka mid tahay maalmaha tariikhda ku leh halgankii dalka lagu xoreeyay.waxaana uu yidhi“Wadankan Somaliland Taariikh ayuu leeyahay gobanimada aynu haysano maxay inagu joogtaa maxaa loo soo maray dalka sababta loo xusayo 17 Octoober waa sidaa,umaddu hadaanay Taariikh lahayn maaha Umad jirta”.

 

 

 

 

Leave a Reply