Badhasaabka Sool Oo Bulshada Ugu Baaqay In ay Kala Shaqeyan Amniga iyo Xoojinta Qarnimada Somaliland

0
415

By: Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa ugu baaqay guud ahaanba bulshadda gobolka Sool gaar ahaana dhalinyaradda in ay kala shaqeeyaan xoojiyaan amniga iyo qaranimadda Somaliland.

Badhasaabku waxa kale oo uu kula dar-daarmay dhalinyaradda gobolka Sool in ay ku dedaalaan sidii sannadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka uu gobolka Sool ugu noqon lahaa sanadkii horumarka iyo amaanka.

Waxaanu tilmaamay in cida nabadgeliyadda iyo deganaanshiyaha loo raadinayaa ay yihiin da’yarta gobolka, isla haddii aanay nabad geliyo jirin aanay sharaf iyo qurux yeelanaynin bulshadu.

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu shalay ka jeediyay munaasibad loo qabtay arday ka qalin jebisay jaamacadda Gollis faraceedda magaaladda Laascaanood.

Badhasaabka oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Haddii aanu dawladda nahay, dhalinyaradiinan waxaanu idiinka baahan nahay laba qodob oo keliya. Qaran-nimadda jamhuuriyadda Somaliland in aad xoojisaan reer Laascaanoodoow. Ta aad wax ku gaadhaysaan iyada.

Arrinta labaad ee aanu idiinka baahan nahay waxa weeye, nabadgeliyadda in aad nagala shaqaysaan. Ogaadda haddii aan nabadgeliyo jirin…. Had iyo jeer maamulku nabadgeliyo ayuu ka hadlaa. Nabadgeliyadda cida loo raadinayaa waa idinka”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Haddii maanta aanay Laascaanood nabadgeliyo ahayn, oo sanadkan 2019-ka aanu noqon sanakdii inoogu astaysnaa horumarka iyo nabadda. Maanta quruxdaa iyo sharaftaa idinka muuqataa ma jirteen, halka-na (xafladda) isugumaynaan nimaadneen.

Qof walba wel-wel baa dili lahaa sida Muqdisho, oo waxaad odhan lahaydeen toloow gurigaygii ma nabad tegayaa? Nabadu idiga ayaa ku nool, ee iyadu kuguma noola.

Markaa dadweynihiina reer Laascaanood, waxaan idinka codsan lahaa nabadgeliyadda in aad xoojisaan, in aad amaanka ka shaqaysaan. Anagu-na inta waajibaadkayaga ah waan ka soo baxaynaa”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Dhinaca kale C/qani Jiidhe, waxa uu sheegay in gebi ahaanba magaaladda Laascaanood laga mamnuucay in hubka sharci darrada ah lagu dhe qaato, isla markaana xataa haddii ay ciidanku sifo sharci darro ah ku qaataan in la xidhayo.

Waxaanu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa magaaladda waxaa laga mamnuucay, Hubkii nooca uu doonaba ha noqdee. Qof shicib ah hub looma ogola, xataa hadduu ciidan yahay waa la xidhayaa, haddii uu sharci darro hubka ku qaato.

Waxaanu dagaal adag kula jirnaa bahalkan dhibaatadd au gaystay dhalinyaradeena ee Khamriga. Waxaas oo dhan qayb ayaad ka noqon kartaan, haddii aad nagala shaqaysaan.

Shuruucdii uu boolisku ku shaqayn jiray, wax baa laga bedelay. Habeen iyo maalinba ciidanku idinka ayuu heegan idiin yahay, oo uu ka shaqaynayaa nabadgeliyadiina. Taana waxaan doonaynaa in aad, aad noogala shaqaysaan”.

 

 

 

Leave a Reply