Wasiirka Waxbarashada oo Ballan-qaadyo u Sameeyay Degmadda Gar-adag

0
425

Qore Khadar M .Xaashi

Gar-adag (Dawan)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland mudane Cismaan Jaamac Aadan, oo maalmihii u dambeeyay gobolada bariga Somaliland ku marayay kormeer shaqo oo la xidhiihda qorshihii ay wax kaga qaban lahaayeen baahiyaha dhanka waxbarashada ee deegaanadaasi ayaa degmada Gar-adag ugu ballan qaaday in wax laga qaban doono baahiyaha dhanka waxbarashada ah.

Sidoo kale wasiirku waxaa uu masuuliyiinta iyo waxgaradka degmadda Gar-adag u soo jeediyay in ay bulshadda ku boorriyaan qiimaha ay Tacliintu leedahay. Waxaanu wasiirku sidan ka sheegay mar uu ka hadlayay soo dhaweyn loogu sameeyay isaga iyo waftigiisa degmadda Gar-addag ee gobolka Sanaag.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cismaan Jaamac Aadan isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Waanu idiinka mahad naqeynaa soo dhaweyntiina, koley hawl ayaanu u soconaa dhanka waxbarashada ku shaqo leh, ama Gar-adag ha ahaato, ama Ceerigaabo ha ahaato, Dayaxa iyo inta u dhaxeysa waftigu marayay oo waxbarashadu siday tahay eegayay wixii laga qaban karana ku dadaalaya Insha ALLAAHU in aanu wax ka ogaano.”

Sidoo kale wasiir Cismaan waxaa uu masuuliyiinta iyo waxgaradka degmadda Gar-adag u soo jeediyay in ay bulshadda ku boorriyaan qiimaha ay tacliintu leedahay waxaanu yidhi “Waxaan idinku boorrinayaa in aad bulshada ku baraarujisaan qiimaha ay waxbarashadu leehayay, waliba idinka ayaa leydinka doonayaa wacyigelinta waxbarashada in aad qaybtiina ka qaadataan, sidii uu sheegayay gudoomiyaha xafiiska imtixaanaddka Qaranku, marka taasi aynu heshiis ku noqono bulshadana ka dhaadhicina baahida ay waxbarashadu leedahay iyo sida wax looga wada qabanayo, wixii awoodayada ah ee degmadda Gar-adag iyo dugsiyada dhanka waxbarashada ah ee ku yaala waanu qaadaney.”

 

Leave a Reply