Kelmadii Malaayiinka Qof Galaafatay !

0
483

Bishii June 28, sanadkii 1914 ayuu bilaabmay dagaalkii kowad ee dunida waxaana sabab u ah markii la dilay boqorkii Archduke  Franz Ferdunand oo u talin jiray dalkii wakhtigaasi loo yaqaanay Austeria-hungry oo ku yaalla badhtamaha Yurub.

Boqorka iyo gabadhiisu waxay booqasho ku marayeen magaalada Sarayeefo oo dalka Sayberia wakhtigaasi ka tirsnayd dhulweynaha Serbiya. Waxaana bastoolada ku toogtay isaga iyo gabadhiisa nin lagu magacabo Mr. Beidro oo hore loogu diiday inuu ka mid noqdo ciidanka dalkaasi iyadoo sabab looga dhgay inuu gaaban yahay.

Beidro oo maakhayda fadhiya isla markaana aad cuqdad uga qaaday sida abuurkiisa loogu diidaya in shaqo uu jecel yahay la siiyo ayaa Markii Boqora iyo gabadhiisu gaadhigooda suuqa ku mararyeen bastoolada ku dhuftay.

Dagaalkan waxa ku dhintay dad gaadhaya 17 milyan oo 7 milyan ay ciidan ahaayeen halka inta kalen aya ahayd shicib. Cadhadii waad gaaban tahay lagu yidhi ayaa keentay dagaalka, waxayna noqotay kelmad sababtay inay malaayiin qof u dhintaan darteed.

 

Leave a Reply