Ninkan Waa Aniga Oo Shaqo Tegay!

0
455

Markii uu dhakhtarka qaabilsanaa waaxda dadka maskax ahaan u buka, waxa uu bukaan kasta weydiin jirin subaxa hore  su’aalo uu ku ogaanayo inuu bogsaday.

Subaxaasi waxa uu weydiiyay Gorge oo muddo isbitaalka waalida ku sugnaa xaalkiisa iyo sida uu yahay. Dhamaan su’aalihii uu weydiiyay si wanaagsan ayuu uga wada jawaabay. Isla wakhtigaasi ayuu dhakhtarku go’miyay inuu bogsaday sidaa awgeedna gurigiisa la geeyo.  Waxaana lagu qaaday gaadhiga isbitaalka oo ay la socdaan laba kalkaaliye oo qoyskiisa sida ay ula dhaqmayaan soo baraya.

Bukaha Gorge markii ay marayeen dariiq dhexe ayuu ku yidhi “ jooji waa kan gurigaygu” waxay eegeen numbarka guriga ay sitaan iyo in aanu isagii ahayn, laakiin waxay u qaateen inay khaldan yihiin oo isagu ka saxan yahay madaama uu yahay gurigiisa.  Guriga waxa hortaagan 3 caruur oo dugsiga tegaya subaxdaasi waxaan uu u sheegay inay yihiin caruurtiis, wax yar ka dibna waxa soo baxday hooyadood, waxaanaa uu u sheegay inay tahay xaaskiisa.

Laakiin isla markiiba waxa soo baxay nin isaguna shaqadiisa u kalahaya. Iyagoo yaaban ayay weydiiyeen “ Ninkuna muxuu ahaa Gorge “. Markiiba si kooban ayuu ugu jawaabay “ Ninku waa aniga oo shaqadii ayaan ku kalahaya “.

Jawaabtaasi ugu danbaysay ayay ku ogaadeen inuu weli ku jiro waalidii oo aanu bogsan, waxaana lagu celiyay isbitaalkii. Sidaasi ayay dad badan oo waalan loogu haystaa kuwo miyir qaba, laakiin erayada ay ku hadlaan ayaa laga garan nooca walid haysa iyo xadkeeda.  Waalida qabyaaladuna waa noocyada ugu xun.

Leave a Reply