Justin Trudeau oo Markale ku Guuleystay doorashada Canada

0
494

Natiijada horudhac ah oo laga helayo doorashada dalka Canada ayaa muujinaysa in xisbiga Liberal-ka ee ra’iisul wasaaraha dalka Canada uu mar kale ku guuleystay awoodda dalkaas.

Inkasta oo uu guuleystay Justin Trudeau ayaa haddana waxaa la sheegayaa in aanu helin kuraastii loo bahnaa ee aqalka barlamaanka, taas oo ku qasbi doonta in uu kaashado axsaabta kale ee dalkaas, si uu usoo dhiso dowlad isbahaysi ah.

Doorahsada dalka Canada ayaa loo arkaa afti lagu tijaabinayo taageeradaTrudeau oo fadeexado badan ay ku soo baxeen xilligii ololaha doorashada. Xisbiga Liberal ka ayaa loollan adag kala kulmayay xisiga midigta dhexe ee Conservative ee dalkaasi.

Ra’iisul wasaare Trudeu ayaa ku qasbanaan doono in uu iskaashi la sameeyo axsaabta kale ee dalkaas, si uu u soo dhiso dawladda xigta, madaama uusan helin aqlabiyadii loo bahnaa.

Waxaan aan la ogeyn tirada kama dambeysta ah ee uu heli doonaa xisbi walba, hasa yeeshee haddii saadaasha la bixnayo ay dhab noqoto, waxaa ay niyad jab ku noqon doontaa hogaamiyaha mucaaradka, Andrew Scheer oo aad ugu raja weynaa in uu guuleysan doono.

Qeybihii hore ee codeynta ayaa loo arkayay mid aan u wanaagsaneyn xisbiga talada haya, oo waxaa lala wareegay inta badan meelihii uu tagaeerada ka heli jiray oo ay ka mid tahay gobolka Atlantic, halkaas oo guulo badan ay ka gaadheen xisbiyada kala ah Conservative iyo New Democratic.

Telefishenka dalkaas ee CBC ayaa kusoo warramaya in xisbiga talada haya uu ku guuleysan doono saddexda kursi ee ugu saameynta badan ee gobolka Atlantic, kuwaas oo kala ah Cardigan, Beauséjour iyo Halifax West.

Arrintan ayaa sidoo kale waxay niyad jab ku tahay hogaamiyaha mucaaradka Mr Scheer, oo ku ololeynayay in uu wax ka qaban doono adeegyada bulshada ee dalka Canada.

Natiijada doorashada Canada ayaa sidoo kale loo arkaa in ay war wanaagsan u tahay xisbiga New Democratic Party iyo hogaamiyahooda Jagmeet Singh, oo ay u badan tahay in ay qeyb ka noqon doonaan dawladda xigta ee uu soo dhisi doona ra’iisul wasaaraha dalkaas.

Leave a Reply