Gudoomiye Baashe oo Sheegay Waddani In Aanu Xaq Ulahayn Hakinta Xubintooda Komishanka Arrinta Gudiduna u Taallo Golaha

0
356

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha golaha wakiiladda mudane Baashe Maxamed Faarax,  ayaa sheegay in aanu xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, xaq u lehyn  hakinta xubinta ay u soo xusheen gudida doorashooyinka, marka xubnaha gudidu soo gaadhaan golaha wakiiladdana cidda keliya ee masuuliyadi ka saarantahay ay tahay gole waynaya wakiiladda oo xubnaha gudida doorashooyinka xubin xubin u baadhaya isla markaana ka gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah.

Waxaanu intaa ku daray in xisbiyadu ay xaq u leeyihiin in ay soo bedeshaan xubinta ay magacaabeen haddii qofka ay magacabaann uu ka cudur daarto ana iska casilo laakiin haddii xubnaha gudida doorashooyinku ay soo gaadhaan golaha wakiiladda cidda keliya ee xilkaasi uu saaran yahay in yahay golaha wakiilada.

Waxaanu intaa raaciyay in ay beesha caalamka ku war geliyeen in ay soo gaadheen gudida doorshooyinka  cusub ee la soo magacaabay, kana gudanayaan waajibaadkooda sharci.

Waxaanu sidan ka sheegay guddoomiyaha golaha wakiiladdu wareysi uu siiyay Tv-ga Codka Bariga Afrika.

Ugu horrayn guddoomiyaha oo ka hadlayay hakinta sharciga baalmarsan ee xisbiga mucaaridka ah ee waddani ku hakiyay xubinta uu u soo magacaabay gudida doorashooyinka qaranka,ayaa yidhi.“Hadda lama hakin karro waxaa weeye xisbigu xaq ayuu u leeyahay in xubintiisa uu istiqlaalad dhiibo, markaa kadib inuu qof kale soo magacaaban karo hase ahaate mar haddii ay golaha timaado oo madaxweynaha gacantiisa iyo ta xisbiyada iyo guurtiddaba ay ka soo dhammaatay waxaa ay u taalla golaha wakiiladda”

 

Gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax,  ayaa sheegay in beesha caalamka ay ku wargaliyeen liiska loo soo xulay xubnaha gudida doorashooyinka Qaranku inay ka soo gudbeen xisbiyadda, madaxweynaha iyo golaha guurtidda, go’aan ka gaadhistooduna ay u taallo golahooda waxaanu yidhi

 

“Gudidii doorashooyinka ee cusba waxaa ay isugu soo urureen golaha wakiiladda, gacanta madaxweynaha way ka soo baxeen, gacantii xisbiyaddana way ka soo baxeen, xisbiyadda iyo guurtiduna waa in ay u diraan madaxweynaha, madaxweynuhuna waa in uu golaha wakiiladda u soo gudbiya”

Dhanka kale gudoomiye Baashe isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaa raaciyay in xubnaha loo soo xulay gudida doorashooyinka ay golaha wakiiladu baadhitaan ku sameyn doonaan,baadhitaankaa  kadibna ay waajibkooda dastiiriga ah ka gudan doonaan “Beesha  caalamkana waxaanu u sheegnay in cabashadaasi golaha dhextaalo, goluhuna sharcigii uu marinayo, xubin walbana la baadhayo waxaa laga cabanaya in ay ka mid tahay iyo in kale, marka ay gudidu soo dhammeysana la keenayo golaha xubintii 42-weydaana lagu celinayo”

Leave a Reply