Xildhibaan Obama oo ka Hadlay Qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada

0
531

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay Qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada iyo Saamiqaybsiga kuraasta Baarlamaanka ee Goblada dalka.

Maxamed Cali Xirsi ayaa waxa uu sheegay in Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland aanu lahayn awood uu isku hor-taago Qabsoomida Doorashooyinka, isla markaana aanay awood ku fadhiyin kuraasta.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxyaabaha taagan waxa ka mida Doorashooyinka, waxaana la hadal hayaa Golayaasha Qaranka, waana waxa loogu hadal haynta badan yahay Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana aan qabaa in aan xaq laynoogu lahayn in la yidhaahdo 12 sanno ayay fadhiyeen kuraasta xoogna kuma fadhiyaan, Mudanayaasha Golaha Wakiilada awood uu isku hortaago qabashada doorashooyinka ma laha, illaa inta la helayo Gole la soo doortay na Golaha Wakiilada ee hadda jooga ayaa ku fadhiyaya kuraasta”.

Xildhibaan Obama ayaa waxa uu ku dhaliilay Golaha Wakiilada in uu ka gaabiyay Qabsoomid la’aanta Doorashooyinka. waxaana uu yidhi “Golaha wakiiladdu Waxa uu ka gaabiyay oo uu qayb ka yahay Qabsoomid la’aanta Doorashooyinka Golihii Baarlamaanka ee waddanka ugu sarreeyay oo go’aan ka gaadhi waayay xeerkii doorashooyinka, waa masiibooyinka ugu waawayn ee aanay cidi ka jawaabi karin, muddo faro badan ayaa Xeerka Doorashooyinka horyaalay Golaha Wakiilada, waana in la soo hordhigo Golaha Wakilada Xeerka Doorashooyinka iyo Saamiqaybsiga kuraasta, Golaha Wakiilada ee gobalada dalka, waana in la guddo galo dooda Xeerka Doorashooyinka, waxaana Sharciya wixii Golaha Wakiilada ka soo baxa, waana in guddi loo saaro oo go’aan laga gaadho Xeerka Saamiqaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada, waana in Golaha Wakiiladu dib u eego Xeerka Koomishanka Doorashooyinka”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in aanay dalka ka jirin balaayo. waxaana uu yidhi “Ma qabo in balaayo wayni ka jirto dalka, sida loo dhigayana maaha in dadka laga nixiyo maaha, waligeedba qaranka dhibaato kasta oo ku timaada inagaa dhamaysan jirnay mushkiladaha ugu waawayn ee Qaranka ka jiraana waxa ka mida arinta Ceelafwayn”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply