Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Daahfuray Xarunta Wasaaradda ee Gobolka Saaxil

0
407

Qore Khadar M .Xaashi

Berbera (Dawan) Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac, oo ay weheliyaan masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo kuwa degmada Berbera, ayaa si wada jir ah u furay xafiis cusub oo wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland ku yeelanayso gobolka Saaxil

Waxaanu xusay  wasiirku in xaruntaasi ay qayb ka qaadan doonto shaqo abuurka dhalinyaradda ee magaalada Berbera.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac  ugu horreyn isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxaa uu yidhi “Xafiiskani mudnaanta uu leeyahay waxaa weeyaan sida aynu ognahay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelintu waxaa ay ka mid tahay wasaaraddaha ugu waaweyn dalka, waana wasaaradda dalkeeda iyo dadkeedu ugu baahi badan yihiin waana ta la doonayo in bulshada ay ku wacyigeliso hadba xaga uu waddanku u dhaqaaqo, waana wasaaradda ka masuulka ah ‘Hidaha iyo Dhaqanka’ soo jireenka ah ee y  nolosheenu ka timid”

Dhanka kale wasiir ku xigeenka warfaafintu waxaa uu wasiirka wasaaradda uga mahad-naqay kaalintii uu ka qaatay dhameystirka xaruntaas waxaanu yidhi “Waxaan idiinku bushaareynayaa in xafiiskii Koowaad ee ay wasaaraddu ku yeelato magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ee aanu daahfurno, iyadda oo ay jiraan xafiisyadda, Laascaanood, Boorama, Ceerigaabo, iyo Burco.

Xafiiskan aynu maanta(shalay) Berbera ka daahfureyno waxaa aan mahad-naq ballaadhan u celinayaa wasiirka wasaaradda oo culeys weyn saaray sidii xafiiskaasi iyo dhagax dhigaasi aynu sameyney aanu u fashilmi laheyn, kaalin weyna ka qaatay kharashaadkii lagu dhisay ee lagu hirgaliyay, waxaa kale oo aan u mahad celineyna shirkadii iyaduna dayactirtay, xafiiskan magaaladu waxaa ay ka faa’iidi doonta shaqo abuur, waxaaney noqonta meesha wasaaradu kala socoto arrimaha la xidhiidha wixii warbaahina ee gobolka ah”

 

Leave a Reply