Xildhibaan Sheegay in Gudida Doorashooyinku ka gudbeen Xisbiyada oo ay Sugayaan Waajibad Gudashada Golaha Wakiilada

0
422

Khadar.M.Dhako.

Hargeysa(Dawan):- Xildhibaan  Siciid  Cartan  Cismaan   ayaa sheegay  in Golaha  Wakiilada  Waajibaad  kooda Sharci ka gudan doonaan  Xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Qaranka  ee Madaxweynuhu usoo gudbiyay.

 

Siciid  Cartan Cismaan oo shalay u waramayay qaar ka mida Warbaahinta   ayaa waxa uu sheegay in  nidaamka  Sharci ee u yaala  Xeerka  Koomishanka  Doorashooyinka ay marin doonaan xubnaha Cusub ee Koomishanka  Doorashooyinka,waxaana uu intaasi ku daray in Xisbiga  Waddani  aanu  awood u la hayn uu ku hakiyo Xubintii  Koomishanka  Doorashooyinka.

Siciid  Cartan  Cismaan  oo  Arimahasi ka hadlyayna waxa  uu yidhi

“Komishanka  doorashooyinka  Qaranka  sida loo soo  magacaaabayaa way cadday  oo nidaam sharci ayay  maraan   Madaxweynaha  ayaana   usoo  gudbinaya  golaha  Wakiilada Xubnaha  Komishanka  Doorashooyinka,markaa  Xisbiyada  mucaaradka hawsha waanu kala leenahay waxaana iska leh  Golaha Wakiilada  Xisbi  Mucaarad shaqo kuma laha  Xisbiyaduna  waxay leeyihiin  talo   inta aanu  Madaxweynuhu usoo gudbin  golaha wakiilada.mar hadii  golaha wakiilada ay soo gaadhaan xubnaha  komishanka  doorashooyinka waxa iska leh golaha wakiilada dib u eegistooda iyo kala shandhyntoodaba   iyadoo la raacayo  sharciga u yaalla xeerka  gudida Doorashooyinka   oo  waajibaad kooda  Sharci ka gudanaya  eegayana sida lagu noqon karo ka mid noqoshada Komishanka Doorashooyinka

Waxaanu sheegay in aanu xisbiga Waddani in aanu xaq u lahayn hakinta xubintiisa,waxaanu yidhi.“Waxaan arkayay  Xisbiga  WADDANI oo leh waxa aanu la noqonay xubintoodii  Komishanka  Doorashooyinka Qaranka sharci ay u leeyihiin ma jirto,Komishanka  Doorashooyinka  Xisbiyo uma shaqeeyaan  maalintaa la ansixiyo  waxay noqonayaan  Komishan Qaranka u shaqeeya waxaana ka hadhay inta la ansixinayo,”.

 

 

Leave a Reply