Maayarka Burco oo Saddex Dugsi oo ay Dhiseen iyo Baabuur Ku Wareejiyay Wasiirka Waxbarashadda

0
412

By: Khadar Cabdi Muuse

 

Burco (Dawan):-  Dawladda hoose ee magaaladda Burco ayaa shalay wasiirka waxbarashadda iyo Sayniska  Somaliland ku wareejiyay saddex dugsi oo ay dhiseen iyo hal baabuur oo loogu tallo galay maamulka waxbarashadda gobolka Togdheer.

 

Waxaana wasiirka waxbarashadda Cismaan Jaamac Aadan, dugsiyadaas iyo baabuurkaba ku wareejiyay maayarka Burco Maxmed Yuusuf Muraad, oo uu wehelinayay  xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Burco Maxamed Sheekh Cismaan Nuur.

 

Munaasibadda wareejinta oo ka qabsoontay xarunta dawladda hoose ee Burco, oo ay  wasiirka munaasibadaas uu ku wehelinayay guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax.

 

Wasiirka waxbarashadda iyo Sayniska Cismaan Jaamac Aadan, oo halkaas ka hadlay ayaa uga mahad celiyay dawladda hoose ee Burco saddexda dugsi ee ay dhiseen iyo baabuurka ay ku wareejiyeenba.

 

Waxaanu tilmaamay wasiirku in dugsiyadaasi ay waxtar weyn u yihiin wasaaradda waxbarashadda, isla markaana ay dadkaasi baracakeyaasha ahi baahi weyn u qabeen dhismaha dugsiyadaas.

 

Waxaanu yidhi “Dugsiyadda aad dhisteen, deeqda aad siisaan had iyo goor, ee aad la garab taagan tihiin dugsiyadda iyo wasaaradda waxbarashadda iyo gaadhigan aad imika bixinaysaan-ba, aad iyo aad bay wax uga tarayaan aqoonta iyo tacliinta.

 

Gaar ahaan dadkaa IDPs-ka ah, ee ka fog magaalada, ee aan iskuuladda lahayn, ee aad basaska u iibiseen, aad iyo aad baanu idiinkaga mahad naqaynaa, wasaaradu-na ay u soo dhawaynaysaa, idiinkagana mahad naqaysaa”.

 

Cisman Jaamac Aadan, ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda gaarka ah ee uu baabuurkaasi u leeyahay kormeereyaasha waxbarashadda ee gobolka Togdheer.

 

Isagoo dawladda hoose ee Burco aad ugaga mahad celiyay taageerada kale ee ay siiyaan waxbarashadda gobolka.

 

“Markaynu gaadhi ka hadalno, sidaa la sheegay kormeerku waa arrinta ugu horraysa ee waxbarashadda lagu hubiyo weeye. Markaa kii lagu hubinayay weeye in ay joogaan, oo ay ka soo baxayaan waajibaadkoodii, waa in gaadiidkan oo kale loo helaa.

 

Kaalin weyn ayuu ka buuxinayaa, waxbarashadda gobolka Togdheer. Deeqaha kale ee aad siisaan waxbarashadda, ee aanu og nahay, iyadana aad iyo aad ayaad ugu ammaanan tihiin, waanan idiinka mahad naqaynaa”ayuu yidhi wasiirka waxbarashadu.

 

Geesta kale maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa sheegay in saddexdan dugsi ay ka dhiseen xaafado ay deggan yihiin dadka barakaceyaasha oo qaarkood ay ku yaalaan meel ka fog magaaladda Burco.

 

Waxaanu tilmaamay in ka dawlad hoose ahaan iyagoo waajibaadkoodda gudanaya ay garteen in la daboolo baahidda ay dadka xaafadahaas  deggani u qabaan in dugsiyo loo dhiso.

 

Waxaanu yidhi “Waxaan wasiirka saaka (shalay) ku wareejinaynaa saddex iskuul oo farta laga qaaday. Kuwaasoo kala ah dugsiga barakaceyaasha gudaha xaafadda Guryo-Samo, oo aanu bulshadda xaafadda iska kaashanay, oo saddex fasal iyo xafiiskii ah iyo iskuulka Labi Guun, oo isna saddex fasal ah iyo Naq Dhabiijo, oo isna intaa in le’eg ah.

 

Magaalooyinka la yidhaahdo Yiroowe iyo xaafadaha la yidhaahdo Koosaar Cali Xuseen iyo Aadan Saleebaan,   waa IDP-yo, iyo tuulo magaaladda ka fog, dusgiyo sare-na ma leh”.

 

“Waxaa markaa qasab nagu noqotay, in aanu gawaadhi u iibino, soo gurno subixii, hadana celinaya Duhurkii. Basas ayaanu u iibinay, oo imika u shaqeeya. Waxaas oo dhan, waa wax waajib nagu ah in aanu u qabano ummadayadda, aanu masuulka u nahay”ayuu yidhi Maxamed Muraad.

 

Maayarka oo ka warbixinayay baabuurka ay wasiirku wareejiyeen iyo sababta ku kaliftay, waxa uu yidhi “Dugsiyadda hoose dhexe gaadhi lagu kor meero, oo hawlaha fududeeya, oo halkii kormeeruhu iskuuladda u lugayn jiray.

 

Imika in aanu lugaynine, subaxii inta kormeeruhu baabuurkan lagu qaado, lagu geeyo iskuuladda. Baabuurkaas ayaanan saaka (shalay subax) ku wareejinaynaa wasiirka waxbarashadda”.

 

Leave a Reply