Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Xarun Shirkada Samsung Ka Furatay Hargaysa

0
523

“Samsung waxay qiimo weyn u samaynaysaa magacii Somaliland oo ay meel gaadhsiisay”… C/raxmaan Saylici

“Looma baahan doono wixii hadda ka danbeeya in qalabka ay soo saarto shirkadda Samsung laga doono dalka dibediisa”… madaxa Samsung Hargaysa

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay xadhiga ka jaray xarun cusub oo magaaladda Hargaysa ay ka furatay shirkadda Caalamiga ah ee Samsung. Taasoo ay dalka keentay shirakada Dahabshiil Group.

Munaasibad balaadhan oo loo qabtay daah-furka xafiiska shirkadda Samsung ee Hargaysa, waxaa ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, madaxda shirkadda Dahabshiil, guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland iyo xubno ka socday madaxda sare  ee shirkadda Samsung.

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan xaruntan ay shirkadda Samsung ka furatay Somaliland, taasoo  ka mid ah shirkadaha ugu caansan dunida ee dhinaca soo saarka qalabka electraniga.

Waxaanu madaxda shirkada Dahabshiil Group iyo mulkiilaheeda Maxamed Siciid Ducaale, uga mahad celiyay kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarinta bulshada, isla markaana shirkadani ay tahay mid wax weyn ka bedeli doonta horumarka waddanka.

“Waxaa maanta (shalay) farxad weyn ii ah in aan ka soo qayb gallo, xafladda daah-furka shirkadan ay soo kordhisay Dahabshiil Group, ee Samsung Somaliland. Waa wax aynu u baahnayn,  waa wax qiimo weyn dalka ugu fadhida. Innaga ka Somaliland ahaan wuxuu inoogu fadhiyaa sumcad weyn, wuxuu iib gaynayaa magaca Somaliland.

Marka laga sheekaynayo cidda asalka u leh shirkadda Samsung, waa Kuuriyadda Koonfureed, marka ay maanta halkan keeneen baabuurtoodii ay ku caan tahay, oo labadda shirkadood ee tartanka telefoonadda ugu sareeyaa ay yihiin Samsung iyo Apple, oo innaga boqolkiiba konton, aan odhan karo wadankeena waxaa la isticmaalaa Samsung”.

Cabdiraxmaan Saylici, waxa kaloo uu sheegay in imaatinka Samsung ee Somaliland ay caalamka u iib gaynayso magaca jamhuuriyadda Somaliland.“Waxay qiimo weyn u samaynaysaa magacii Somaliland oo ay meel gaadhsiisay.

Inaga-na waxay faa’iido innagu taraysaa in wixii alaab ay Samsung keenaysay, hadday telefoon tahay, haday tahay telefishano iyo hadday alaab kale tahayba, in dhibaatadii innaga haysatay ay innaga soo kaafiyeen, oo halkan agteena ay inoo keeneen”.

Guddoomiyaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil), ayaa tilmaamay in shirkadda Samsung ay ku keeneen dalab ka yimid shacabka reer Somaliland oo isticmaala telefoonadeedda iyo qalabka kale ee ay soo saarto shirkadaasi.

“Wixii aad telefoon u baahataan, wuu idiin yaallaa, oo weliba dib-u-habayntiisii (repairing) iyo dammaanadiiba (grantee) waad ka helaysaan. Telefoono uun maahee, waxyaabo kaloo baahidu keentay oo guryaha yaalla  oo fara badan ayaa meesha lagu iibinayaa.

TV-yadda ayaa ka mida, Talaagadaha ayaa ka mida iyo waxyaabo kaloo aanan halkan ku soo wada koobi karin”ayuu yidhi Maxamed Siciid Ducaale.

Waxaa isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, oo soo dhaweeyay xaruntan cusub ee ay shirkadda Samsung ka furtay Hargaysa, kaasoo uu tilmaamay in uu wax badan oo faa’iido u soo kordhiyay bulshadda Somaliland.

Jamaal Caydiid Ibraahim, waxa uu sheegay in  ay guul tahay  qalabyo ay soo saarto shirkadda Samsung oo markii hore dadka reer Somaliland ay wadamadda dibedda u doonan jireen inay imika dalkoodda ka helayaan.

Geesta kale maamulaha xafiiska shirkadda Samsung ka furatay Hargaysa Xasan Cabdiaahi Diiriye, oo halkaas ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay qaybaha kala duwan ee qalabka ay dadweynuhu ka heli karaan xaruntani.

Waxaanu yidhi “Waxaan idiinku bushaaraynayaa laga bilaabo maanta (shalay) in wax soo saarka shirkadda caalamiga ah ee Samsung, aad ka heli kartaan xaruntan Hargaysa ee Dahabshiil Samsung, oo leh qiimo macquula, oo ay la socoto damaanad (grantee) iyo wixii taakulayn ah. sida hagaajinta iyo dayactirka  wixii xumaadda.

Looma-na baahan doono wixii hadda ka danbeeya, in waxyaabaha ay soo saarto shirkadda Samsung laga doono dalka dibediisa”.

Dhinaca kale waxaa xafladaasi hadalo ka jeediyay wasiirrada maalgashi Maxamed Axmed Cawad, shaqadda iyo arrimaha bulshadda Hinda Jaamac Xirsi, wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh Maxamed.

Waxaanay dhamaantoodba soo jeediyeen in ay soo dhawaynayaan cid kastoo maalgashi ka fulinaysa dalka Somaliland, isla markaana shirkadda Dahabshiil Samsung xafiiskan ay Hargaysa ka furtay uu wax badan ka saacidi doono bulshadda Somaliland.

Leave a Reply