Weli Lama Ogaan Sababta Ka Danbaysay

0
445

Sanadkii 1984, ayaa nin mayd ah laga helay xeebta Sumerton ee Australia, waxaana dhinac taallay warqad ay ku qoran tahay “Taman Choud” oo ah magac aan la sharax laga bixin ah.

Baadhista ayaa lagu ogaaday in warqadda laga soo jaray buug ku jiray gaadhi yaallay meel u dhow maydkan.

Buugga xaashiyihiisa waxa ku jiray calaamada dahabi ah oo qarsoon taasi oo lagu akhriya karayay oo keliya marka lagu eego qalabka “ultraviolet light” ee calaamadaha qarsoon lagu akhriyo. Ninkan ayaa u dhintay markii uu dhiig kaga furmay gudaha jidhkiisa sida maskaxda, kelyaha, beerka iyadoo weliba uu jiray dhiig bax xoog badan oo calooshiisa ah.

Arinkaasi ayaa keenay in la aamino inuu u dhintay iyadoo la sumeeyay. Haddana badhistii ma muujin in sun la siiyay, waagaasi waxa cirka isku shareeray dagaalkii qaboobaa oo ay wakhti kasta u dhimanayeen kumanaan qof oo daafaha dunida kala jooga oo aan is aqoon warna isu hayn.

Arinka ninka aya sirdoonka Australiya la xidhiidhiyeen dilalkii qorshaysnaa ee dagaalkii qaboobaa iyo is ugaadhsigii xadhkaha goostay, iyadoon ilaa maanta aan si cad loo garan Karin dhinaca dilay iyo sirdoonka uu la shaqaynayay iyo xataa nooc dilkiisa lagu fuliyay oo mahadho ku noqday sirdoonka iyo Isbitaalada dalkaasi. Waxaana uu ka mid aha dilkaasi cadaaladda aan maxkamadaha la marin ee dalalka awoodda sheegta kula kacaan dunida kale.

Leave a Reply